Argentine Oo 28 Sanadood Ka Dib Ku Guulaysatay Tartan Caalami Ah Iyo Messi Oo Ruxay Cope America+Sawiro

0
Sunday July 11, 2021 - 11:13:45 in News by
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Argentine Oo 28 Sanadood Ka Dib Ku Guulaysatay Tartan Caalami Ah Iyo Messi Oo Ruxay Cope America+Sawiro

    Argentine Oo 28 Sanadood Ka Dib Ku Guulaysatay Tartan Caalami Ah Iyo Messi Oo Ruxay Cope America+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Argentine Oo 28 Sanadood Ka Dib Ku Guulaysatay Tartan Caalami Ah Iyo Messi Oo Ruxay Cope America+Sawiro


Argentina ayaa 28 sano ka dib waxa ay ku guuleysteen Coppa America iyaga oo Brazil oo koobkaan ilaalsaneysay uga badiyeen hal gool.

Lionel Messi hoists the Copa America trophy aloft with his Argentina team-mates after they beat Brazil 1-0 in the final


Sheekada labada qeyb : Brazil ayaa nasiinada loogu diray hal gool oo nadiif ah waxa ayna saaxibada Neymar ka sheegteen in kubadda soo dhisaan xilli Argentina daafac ahaan ay aad u wacnayeen.


Goolka Brazil waxaa qaladka iska leh goolhayaha oo si ka bad badis ah banaanka uga soo baxay waxaana si cajiib ah uga dalqaaday Di Maria xilli daafacana ay qeyb yihiin, waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqadii 21-aad.


Brazil dhanka weerarka eber ayay ka ahaayeen waana ku adkeyd in kubadda afka hore si sax ah u geeyan xilli Argentina ay ciyaaayeen kubad taxadar leh xili ay ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka.


Qeybta labaad , Brazil dhaq dhaqaaq wacan ayay ku bileebeen , daqiiqadii 51-aad gool ayaa offside ahaan looga diiday halka daqiiqadii 54-aad gool xaqiiq ah uu si cajiib ah uga bad baadiyay goolhayaha Argentina xilli soo laabashadii ay horay u soo giliyeen Roberto Firmino oo loo saaray Fred.


Biloowga qyebta labaad , Brazil kubadda iyaga ayaa ku badnaa , Argentina daafac ayay ku jireen marka laga reebo Messi iyo Di Maria , wax ayan Argetina badalkoodi ugu horeeyya ku soo giliyeen Guido Rodriguez oo loo saaray Leandro Daniel Paredes , xilli Brazil badalkii labaad ku soo giliyeen Vinicius Junior oo daqiiqadii 63-aad loo saaray Everton Halka badalkii labaad Argentian isla waqtigaas uu ku soo galay Nicolas Tagliafico.


Ka dib badaladaas, Argentina kubadda aagga goosha Brazil ayay keeenayeen balse go`aano deg deg ah ayay qaadnayeen taasi oo ka qasaarineysay kubadii ay soo dhiseen waxaase xusid mudan in ay ka go`neyd gool labaad.


Brazil weerarka waa ka liiteen ma jirrin halis gilin muuqata oo ay sameynayeen inakstoo kubadda marraka qara ku badnaayeen waxana taasi u sabab ah daafcaa saaxibada Messi oo aad u foojignaa xilli Argentina ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah.


Dhamaadkii , ciyaarta xiisad ayay yeelatay xilli isku dhacyo ciyaartooydana ay jireen iyo qaladaad ay isku galayeen balse guud ahana Brazil waa ka wacnaayeen sida ay ahaayeen qeybtii koowaad.


Daqiiqadii geerida Brazil halsi ayay ahaayeen balse goolhayaha Argentina ayaa gool cajiib noqon lahaa waliab xaqiiq ahaa u diiday Brazil xilli Messi isna qasaariyay fursad balse waxa ay ciyaartaan ku dhamaatay halkaas gool oo ay Argentina ku qaadeen koobka ka dib 28 sano .

Messi leads the celebrations after Argentina's landmark Copa America win against Brazil at the Maracana stadium
The legendary Argentina talisman was soon being thrown up into the air in celebration with his ecstatic team-mates
Despite a subdued display by his electrifying standards, Messi was always given close attention by the Brazil defence
May be an image of 2 people and people standing
May be an image of 1 person and text that says 'GOLAZO! AFA b 23 MESSI COPA AMERICA CHAMPIONS ARGENTINA'


Loading...
Loading...