Ka Dar Dibi Dhal Weeyee, Da'yartiibu Xaraashu, Ugu Deeqay Dalalkale, Doorashaanu Sugayaa.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,[A.S.C.W.R.W.B],
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
DAD MIYAA KU NOOL XAMAR,FARMAAJA DABSAARO,
KA DAR DIBI DHAL NOQOTO,DA’YARTI SOO KACAYSU,
UGU DEEQAY DALAL KALE,DOORASHAANU SUGAYAA,
DUUL WAALANBU HELAY,DIIDANAY MAY YIDHAHDAN,
DANI IYO MADOOBEBA,DHAAXAY SOO DADAALEENE,
DULINIMO KA DIRIREENE,DAD U HIILIYAAN JIRIN,
DOORKIISIIYO DHAMAADU,DAARTII WELI U HOYDAA,
DALKA LOOGA TALIYOO,DOORASHABA KUMAA RABA,
MAXUU DOONIYEE MAQAN,SOO TAN LOOGU DARAYE,
LABA SANAY U DIIDEENO,SAADIQ JOON KA DIDIYEE,
AARMUU DEGIBA WAAYAA,DAGAAL KALE ABUURAA,
DUMIYAA MAGAALADAN,DILKA IYO KHASAARAHA,
DAALINIYO DIGTATOOR,BELAYADA LA DABA DHIGAY,
DADKU WAA MASAAKIINE,DUNUUBA MEESHA TAALO,
DAAQUUDKI KAGA TEGAY,BELANA KAMA DUCAYSTAN,
DILKII MADAXDI QARANKE,DALKAW SOO DAGAALMAY,
CULIMADI DIIDAY SHUUCIGA,DIYAARADU ISDUQEYEN,
DADKII LOO UGAADHSADAY,DABARGOYN ISAAQNIMO,
DENBI AAN SAMAYNEE,LOONA DUUGIN SHARAFTAA,
MAYDKII IDIN DUL YAALAA,BAL JASIIRA SOO DAYA,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!