Waxqabadka La Taaban Karo Ee Ururka "AKHRI Mothers And Daughaters Literacy "Somaliland Hargeysa Iyo Ujeedooyinka Loo Aas-Aasay.

0
Sunday July 11, 2021 - 09:42:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka La Taaban Karo Ee Ururka "AKHRI Mothers And Daughaters Literacy "Somaliland Hargeysa Iyo Ujeedooyinka Loo Aas-Aasay.

    W/Q Khadar Aar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Khadar Aar.
Ururka AKHRI Mothers and Daughaters Literacy ,waxa la aas-aasay Sanadkii 2017 ,Waxa uu yahay isbahaysi u ololeeya Waxbarsahada iyo hurumarinta dhanka Haweenka aan waxna Qorin waxna aan Akhriyin dalka Jamhuuriyada Somaliland intii kolba ay gaadhi karaan.



Madaxda Ururku waa Hoggaamiyeyaal fahamsan ujeedada cad ee ay Ururkan u aas-aaseen ,ay ka go'an tahayna inay taageero buuxda ay siiyaan Gabdhaha iyo Haweenka bulshada ee tamar iyo taag u waayey in ay Waxbarasho si fudud ay helaan.Xubnaha Ururku waa kuwo Khibrad gaar ah u leh in ay waxbaraan Haween heerka waxbarashadoodu ay sidan oo kale u hoosayso.


Ururkan la magac baxay AKHRI waxa ay Waxbarasho la'taaban karo kasoo geystay Deegaanada la magac baxay Ceel'lahelay (Diinqal), Halleeya , Burcada yar, Bendarwanaag, Aw Barkhaleh iyo Xaafadda Daami ee Degmada Gacallibaax.


Gudoomiyaha Ururka Canab Yusuf Maxamed iyo hawlwadeenada tirada badan ee Ururkan Mishiinka u ahi waxa ay wakhti iyo dadaal dheeraad ah ay ku bixiyiin ,Naf iyo Maal aan la koobi karina ay u hureen sidii Ururkani uu u noqon lahaa mid kaalin mugleh ka qaata Waxbarashada Dadban ee dadka waawayn gaar ahaan Haweenka, oo maanta la odhan karo Deegamadaasi Ururka ka hawl galay waxa maanta ka muuqda in ay joogaan Haween leh Waxbarasho aasaasi oo ah oo la taaban karo,kuwaasi oo ku faraxsan heerka maanta Ururku gaadhsiiyey.


XASUUSIN
Akhriste aan dib kuu xasuusiyo ,Caadooyin iyo dhaqan soo jireen ahaa oo aynu lahayn ayaa waxa uu ku salaysnaa in aan lagu dadaalin Waxbarsahada Haweenka kuwooda yaryar iyo kuwooda Waawaynbe,taasina waa mida maanta ina dhaxal siisay in aqoonta Hooyooyinka Maanta Waalidinta ahi iyo kuwii kasii horeeyeyba ay ku litaan dhanka Waxbarashada ,iskadaa in ay akhriyaan ama ay Qoraan Luqad Qalaade waxaa ku adkaatay Luqadii Somaliga ahayd ee ay u dhasheen.


Waxbarashada Gabdhahu waa mudnaanta kowaad ee horumarinta iyo faa'iidada umadi ay ku faanto ,waana mida ay maanta Dunidu ku kala hormartay. Haweenka aqoonta leh ama Waxbartaa waxay u muuqdaan in ay yihiin kuwo xoog badan laga helayo nafaqada iyo daryeelka caafimaadkooda iyo kan Caruurtaba garanaaya halka ay u marayaan ,isla markaana aan marna u daba'fadhiisanayn Ragga.


Haweenka Waxbartaa waxa ay awood u yeshaan inay ka qeybqaataan Suuqa shaqada rasmiga ah, waxayna kasbadaan dakhli badan oo ay ku maarayn karaan Naftooda iyo tan qoyskooda iyada oo ku faraxsan.


Waxaa jira caqabado badan oo hortaagan helitaanka Gabdhaha iyo dhammaystirka waxbarashada.Saboolnimadu waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee Waxbarsahada Wiilasha iyo Gabdhaha u horseeday in Waxbarashada ku kala horeeyaan amaba ay Gabdhahu meeshaba ay ka baxaan .


Qoysaska saboolka ah ee ka kooban Caruur badan, ayaa laga yaabaa inay doortaan inay maalgashadaan Waxbarashada Wiilasha,halka ay Gabdhaha u qorsheeyeen sidii ay Wiilasha Wabrashada uga caawin lahayeen kagana qaybi lahayeen dhanka hawsha Guriga.


Inkastoo maanta la odhan karo waxbadan ayaa dhanka Waxbarashada Haweenka iska bedalay hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayaa waxa muuqata in Deegaamo badan aanay kaba jirin Waxbarasho ay Haweenku ku jiraan ama ay aad u dib dhacsan yihiin.


Guntii iyo gabo-gabadhii Ururkan la magacbaxay AKHRI waxa uu inooga baahan yahay in aynu Gacan ka gaysano sidii uu horumar lataaban karo inoogu samayn
lahaa dhanka Haweenka Waxbarashada ka dib dhacay ama aan haysanba.
Gudoomiyaha Ururka AKHRI Mothers and Daughaters Literacy ""Somaliland Hargeysa.
Gudoomiyaha Ururka .Canab Yusuf Maxamed


W/Q Khadar Aar.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...