Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama (GIIB) ?.

0
Sunday July 11, 2021 - 09:29:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama (GIIB) ?.

    Qaybta 3aad By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta 3aad By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia.

Waxay inoo joogtey in cashuurtii lagu waajibiyey ay ka horyimaaddeen dadkii reer burco, haddaba inaggoo marka hore qoraalladii arrinka laga qorey oo aad u badan qaybo kasoo qaadaneynna website-ka www.kaiserscross.com ama (The soldeirs’s buden) qaybta the Somaliland camel corps waxaa ku xusan in xagga Hargeisa qudheeda laga hawl geliyey 300 oo ciidamadii camel corpska ah oo uu madax u ahaa maammulihii soomaaliya oo dhan uga wakiilka ahaa ingiriiska ee Sir Geoffrey Archer iyagana cashuurta loo direy iney baadiyaha xagga hargeysa cashuurta kasoo kasoo guraan, laakiin meeshii diidmada koowaad kaga timi ay ahayd CADAADLEY.



Taasoo keentey in bilowgii September 1921-kii cadaadley dab la sudho xoolihii iyo hantidii dadka deegaankana si arxan darro ah loo baabbi-iyo.


Markeynu tii burco ku noqonno sidaas oo kale, ayaa culeys loo saarey waxaana ingiriisku cuqaashii iyo salaadiintii togdheer oo berigaa faro-ku tiris ahaa, caaqil walba lagu amrey inuu geelasha reerkooda kasoo qaado cashuurta.


Sida taariikhaha afka la isugu gudbiyaa sheegayaan marka qofku diido cashuurta waxaa report ama ribboodhkiisa gudbin jirey dad ingiriiska u shaqeeya qofkaasina wuxuu noqon jirey WANTED qof la raadinayo isaga iyo xoolihiisaba.


Tusaale ahaan waxaa loo fadhiisan jirey ceelasha jiilaalkii xooluhu ka cabbaan ee ama oodweyne, Burco, Caynaba ama Beer iyo meeshii jiilaal lagagasoo gabbado.


Waa markan marka culeyskii kusii badanayo dadkii waxana qoraalka arrintaa ku saabsan ee (The soldier’s burden) qaybta Somali Camel Corps (SCC) ee dilka Giib lagaga faaloonayaa qoreysaa, in burco noqotey xarunta ugu weyn ee cashuurtii dawladdu soo rogtey sida weyn ugasoo horjeesatey ee diiddey.


(Burao now became a centre for dissent against the poll-tax).


Mar kalena qoraal aan in yar oo kooban kasoo qaadaneynno oo ku xusan WIKIPEDIA(The free encyclopedia), qaybta loogu magacdarey 1922 Burao Tax Revolt.


Waxaa lagu xusayaa (The 1922 Burao Tax Revolt was a revolt waged by Habr Yunis tribesmen in the city of Burao in early 1922 against British Somaliland authorities, n.d.).


In Beesha ku calaamadsan Galbeedka Burco iyo maamulkii dawladda ingiriisku ay isku qabteen oo isku diidsanaayeen arrinka cashuurta waana markhaatiyada la taaban karo ee loo hayo in sababta Giib loo diley ay tahay cashuurtii beeshaasi diiddey.


Markeynu kusii soconno dhuuxa sheekada iyo sidii Giib loo diley waxaynu u kala qaadaynnaa qayb ku saabsan sheekooyinkii odayadii hore ee soomaalida ahaa ee arrinkan soo gaadhey usoo tebiyeen, iyo qaybta dawladdii ingiriisku qortey ee taariikhdaasi ugu jirto kaydadka Libraies ama qoraalada internetka ku jira.


(Wax baahi ah uma qabno in aanu wax buunbuuninno balse xaqiiqda allaah hannagu sugo).

Qaybta dawladdi ingiriisku u qortey waa in markii cashuurta la diidey dabeeto 24 February 1922, niman kusoo talo-galey ay ku dileen Giib isagoo xafiiskii maammulka dawladda ee burco jooga taasoo keentey in dawladdii ingiriisku si aad u daran arrinkaasi u dhibsatey oo ay dabeeto siyaabo dhawr ah u aargoosatey.


Sida uu ku qorey (Rolland A Hill, MBE) qoraalka uu u bixiyey (A tribute to captain A Gibb, DSO, DCM) wuxuu sheegey in maydkii Giib loo qaadey magaalada Sheekh oo uu immikadan xataa ku aasan yahay ( Gibb’s body was taken to sheikh where he now lies buried). (tallow reer sheikh ma ogyihiin arrinkaas).


Wuxuu kaloo xusayaa in markii lasoo gaadhey 5 March 1922 inuu ninkii u sarreeyey maammulka degmadu u yeedhay qabiilkii dilka geystey oo uu ku amrey iney bixiyaan 3000 Halaad (waa sida qoraalkaas ku jirta).


Waxaa qoraalka ku xusan in qabaa-ilka dilka geystey iyagu markey nin dilaan ay kala qaataan 100 Halaad.


Waxaa Waaligii ama badhasaabkii ingiriisku u sheegey qabiilkii in marka laga reebo masaajidka burco ee lagu tukado magaalada inteeda kale la gubi doono oo dabka la sudhi doono weyna dhacdey taasi. La soco qaybta 4aad ………..


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...