Khilaaf Ka Dhex Qarxay Laba Dal Oo Sababay In Shidaalka Adduunku Qaaliyoobo

0
Sunday July 11, 2021 - 09:07:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Dhex Qarxay Laba Dal Oo Sababay In Shidaalka Adduunku Qaaliyoobo

    "Khilaafka ayaa noqday mid lama filaan ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khilaafka ayaa noqday mid lama filaan ah"

Waxaa soo if baxay khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo in muddo ah xulafo ahaa, khilaafkan ayaa ka bilowday shirkii OPEC ee dhawaan uu u qabtay Ururka waddammada dhoofiya shidaalka iyo waddamada kale ee soo saara saliidda.



Waxay arrintani horseeday in uu sare u kaco qiimaha shidaalka adduunka kadib jahwareerkan saameeyay suuqyada shidaalka.


Soo saarayaasha ugu waaweyn ee saliidda adduunka, waxaa ka mid ah dalalka Sacuudiga iyo Ruushka, waxayna soo jeediyeen in la sii wado dhimista isu gudbinta saliidda illaa dhammaadka sanadka 2022-ka.


Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sheegay in arrintaas uu ku diiday sababo ay ku sheegeen "inay iyaga ay ku noqonayso caddaalad darro".


Imaaraadka Carabta wuxuu doonaya in la qabto kulamo hor leh oo ku aadan wax soo saarka shidaalka si uu u helo xoriyad ah in shidaal badan uu soo saari karo.

Si kastaba, Sucuudiga iyo Ruushka ayaa ku gacan seyray qorshahaas.


Wadahadallada ku saabsan arrimaha shidaalka ayaa waji kale yeeshay kadib markii wasiirada tamarta ee Sucuudiga iyo Imaaraadka ay banaanka keeneen khilaafka ka dhex taagan labada dal.


"Khilaafka ayaa noqday mid lama filaan ah balse wax soo saarka shidaalka ee Imaaraadka wuxuu kasoo horjeedaa kan Opec, wuxuu lacago badan ku maalgeliyay sidii uu sare ugu qaadi lahaa wax soo saarka shidaalkiisa, haatan waxaa sare u kacaya dalabyada shidaalka" ayuu yiri Ben Cahill oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xarunta istaraatiijiyadda ee caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Washington.


Wuxuu intaas ku daray "Waana sababta Imaaraadka uu uga walaacsan yahay arrinta gaar ahaan suurtagalnimada ah in uusan sare u qaadi karin wax soo saarkiisa"


Labada boqor

In muddo ah, xiriirka qotoda dheer ee Imaaraatka iyo Sucuudiga wuxuu isbaddal u horseeday siyaasadda dalalka Carabta.


Waxaana xiriirka saameyn weyn ku lahaa xiriirka gaarka ah ee u dhexeeyay Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi ,Maxamed Bin Zayed.


Labada nin waxaa loo arkay hoggaamiyeyaasha sida qarsoodiga ah u maamula labada dal, waana rag aragti dheer leh.


In muddo ah waxay iska kaashanayeen istaraatiijiyadda labada dal, waxay sanadkii 2015 sameeyeen isbaheysiga militeriga carabta si ay ula dagaallamaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.


Waxay sanadkii 2017 go'doomin dhanka diblumaasiyadda, ganacsiga iyo safarka ku soo rogeen dalka Qadar.


Balse labadii sano ee lasoo dhaafay xiriirka labada dal ayaa u muuqday in uu sii xumaanayay markii Imaaraadka uu inta badan ciidamadiisa kala baxay Yemen walow tallaabadaas uusan ku farxin Sucuudiga.


Bishii January ee sanadkan, Imaaraadka oo u muuqday in uu wajigga ka dadbayo Sucuudiga ayaa aqbalay heshiiskii uu garwadeenka ahaa Sucuudiga ee dib loogu soo celinayay xiriirka kala dhexeeyay Qadar inkasta oo uu walaac ka muujiyay aaminadda xukuumadda Doha.


Sucuudiga kuma uusan farxin tallaabada Imaaraadka uu dib ugu soo celiyay xiriirkii kala dhexeeyay Israa'iil.


Xiisadda ayaa bilaabatay bishii Febraayo markii Sucuudiga uu shirkadaha caalamiga ah ku wargeliyay in xarumahooda ay ka dhigtaan boqortooyada meesha lagu gaaro 2024 ama ay waayi doonaan shatiga ay bixiso dowladda ay ku howlgalaan, waxaana tallaabadan loo arkay weerar dadban oo ku wajahan Imaaraadka maadama uu xuddun u yahay ganacsiga gobolka.


Imaaraadka wuxuu ka hor yimid qorshahaas, Sucuudiga ayaa u muuqday mid ka aargoosanayo Imaaraadka wuxuu dalkiisa ka mamnuucay muwaadiniinta dalal dhowr ah oo uu Imaaraadka ku jiro sababo la xiriira cudurka faafa ee Covid-19. Imaaraadku waa dalka kaliya ee xubin ka ah GCC ee ku jira liiska wadamada la mamnuucay.


Tartanka dhaqaalaha


Xiisaddan soo kala dhex gashay Imaaraadka iyo Sucuudiga waxay inta badan salka ku heysaa tartan loogu jiro arrimaha dhaqaalaha gobolka.


Iyadoo Sucuudiga uu wado tallaabooyin uu ku xoojinayo dhaqaalahiisa haatan Maxamed Bin Salmaan wuxuu tartan ugu jiraa sidii uu ku horumarin lahaa waaxyaha qaabilsan arrimaha dalxiiska, adeegyada lacagaha iyo teknooloojiyadda.


"Sucuudiga waa dal awood leh oo ku yaalla gobolka haatan hurddada ayuu ka kacaya, waana arrinta marar qaar walaac ku abuuri karta Imaaraadka" ayuu yiri Neil Quilliam, oo ka tirsan macadka Chatham House ee fadhigiisu yahay London.


Ma kala cadda in Sucuudiga iyo Imaaraadka ay suurtogal tahay inay heshiis ka gaarin karaan arrintani.


Cali Shihabi oo a falaanqeeya arrimaha boqortooyada Sucuudiga ayaa rumeysan in xiisadda ka dhalatay heshiiska Opec uu wax saameyn ah ku yeelan doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan.


BBC

Loading...
Loading...