Natiijada Doorashada Itoobiya Oo La Shaaciyey

0
Sunday July 11, 2021 - 08:54:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Doorashada Itoobiya Oo La Shaaciyey

    Natiijada Doorashada Itoobiya Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijada Doorashada Itoobiya Oo La Shaaciyey

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa goor dhaweyd shaaciyey natiijada doorahada 21-ka bishii June ka dhacday dalka Itoobiya.



Wuxuuna guddigu sheegay xisbiga talada dalkaasi haya ee EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey, 410 ka mid ah uu ku guuleystay.


Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayey weli doorasha ka dhicin sababa la xiriira amni darro iyo arrimo kale.


Deegaanka Tigraay oo ay dagaallada ka socdaan wuxuu ka mid yahay deegaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaannada Soomaalida iyo Hararidana doorashadooda dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021.


Xisbiga Ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto.


Doorashda guud ee bishii hore dalka Itoobiya ka dhacday waxaa hareeyey dagaalka siddeedda bilood ka socday deeganka Tigraay, halka deeganka Oromadana laga soo sheegay xadgudubyo baahsan iney ka dhaceen, labo ka mid ah xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu waaweyna ay doorashadaasi qaadaceen.


BBC

Loading...
Loading...