Itoobiya Oo Shuruud Ku Xidhay Diyaaradaha Ka Dagaya Gobolka Tigray

0
Saturday July 10, 2021 - 16:47:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Shuruud Ku Xidhay Diyaaradaha Ka Dagaya Gobolka Tigray

    "Dowladda oo horay u joojisay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha tagay Tigraay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladda oo horay u joojisay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha tagay Tigraay"

Itoobiya ayaa sheegtay diyaaradaha deegaanka Tigraay ku socda ama ka yimaadda inta aysan dalka soo gelin ama ka bixin iney ku soo degi doonan gigadaga diyaaradaha caalamiga ee Bole ee magaalada Addis Ababa si baaritaan loogu sameeyo.




Hay'adda duullimadyada rayadka ee dalka Itoobiyan waxay sheegtay diyaaraddi fasax haysato oo keli ah iney ka dagi karto deegaanka Tigraay ee ku yaalla waqooyiga dalkaasi


Dowladda oo horay u joojisay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha tagay Tigraay ayaa go’aankeeda dib uga laabatay kaddib marki ay qiimeysay codsiyada caalamka uga imanaya iyo xaaladda bani aadaminimo ee degaankaasi ka jirto.


Hay’adda waxay sheegtay diyaarad kasta oo gargaar u sidda deegaanka Tigraay in looga baahan yahay iney marka hore ku soo degto garoonka caalamiga ee Boole oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Iyada oo diyaaradahaasi baaritaan qoto dheer looga sameynayo baaritaanka kaddibna la siinayo fasaxa ay ku tagi lahaayeen deegaankaasi.


BBC

Loading...
Loading...