Madarasada Al-falaaaxa Ee Xaafada New Hargaysa Maaha Meel GorgortanGali Karta

0
Saturday July 10, 2021 - 11:35:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madarasada Al-falaaaxa Ee Xaafada New Hargaysa Maaha Meel GorgortanGali Karta

    W/Q: Hamse Riiraash.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Hamse Riiraash.
Waxa aan xaq ahayn qofna Kuma murmi Karo, mana sheegan Karo umana xiiqi Karo oo aduunkana Uma bandhigi Karo haddiiba uu ogyahay in waxaasi uu xaq ahayn.balse haddii uu xaq yahay qofkaasi wuu garan karaa in uu xaqu uu hellaayo gacanta sare.



Al-falaaaxa oo ahayd goobtii ku ooli jirtay new hargaysa ahaydna madarasadii ay hargaysa badankeeduna ka aflaxi jireen noolyihiina dadkii wax kasoo baran jiray Maaha in ganacsadayaal wax ma garati ihi dhulkaas ay xaq daro ku afduubtaan Kuna dhistaan .
.

Dadka reer new hargaysa iyo hargaysa oo dhani waa in ay runta u sheegaan u gargaaraan daalimiinta laftooda sababtoo ah xadiisbaa ahaa u gargaar walaalka dulman iyo ka wax dulmiyayaba. Markaasay ku yidhaahdeku asxaabtaa rasuul allow sideen ugu gargaarnaa daalimka laftiisa garanay ka dulmanee markaasuu rasuulku yidhi ka qabo gacanta ka wax dulmiyaya waxa uu dulmiyayo.


Qofku waa in uu ubadkiisa u raadshaa xalaal taa oo u wanaagsan aayaha noloshiisa danbe.

Maanta maaha in dad uu hunguri ka Gallo meel ayna xaq iyo xaquuq u lahayn.


Dadka ilbaxda ee hargaysawiyiintii asalkii si fiicanbay u garanayaan taariikh madarasada alfalaaxa. Ordoo so waraystay culimadeena waaweyn siyaasiyiinteenana soo wayddiiya sheikh maxamed aadan rabbi ha xafidee wax ka wayddiiya taariikhda alfalaaxa iyo ciddii lahayd .siyaasi mujaahid cali guray sheikh mphamed aadan Iyo qaar Kala oo badanwax ka wayddiiya taariikhda dhabta. qof kastoo dhalad hargaysa asal ihina wuu garanayaa madarasadaas falaaxa iyo ciddii lahayd.


Mar kale iyo Mar saddexaad iyo mar afaadba waxaan ku leeyahay ganacsadayaashoow halkaa ka macaashi maysaan ee hoy ka jooga.


Hamse Riiraash.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...