Ila Qosol ...... Cabdullaahi Maxamed Cumar.

0
Saturday July 10, 2021 - 11:28:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol ...... Cabdullaahi Maxamed Cumar.

    " Naa garan maayo, balaayada cawaro Ibleyska ahi wuxu inaga soo eegayo!!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Naa garan maayo, balaayada cawaro Ibleyska ahi wuxu inaga soo eegayo!!"
Marka aad salaan gacaltooyo guddoontaan kaddib, ku soo dhawaada akhristayaal sheeko kale oo ka mid ah; sheekooyinkeennii la magacbaxay; Ila Qosol.



Laba dumar ah oo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee waddamada Khaliijka Carabta deggan, ayaa maalin is raacay si ay uga soo adeegtaan suuq ku yaalley magaaladii ay degganaayeen.
Waxay kolba tukaan ka muraadsadaanba, waxay mar dambe soo galeen; tukaan u haysto nin cawaran (weershe)oo Carab ahi.


Haweenkii baa arkay ninkii oo soo eegaya oo xaggooda ku soo maqan! Labadii haween ahaa midkood ayaa tii kale ku tidhi, " Naa muxuu innaga soo eegayaa?"


Tii kalaa ugu jawaabtey, " Naa garan maayo, balaayada cawaro Ibleyska ahi wuxu inaga soo eegayo!!"


Ninkii Carabka ahaa ee ay islahaayeen Afsoomaaliga fahmi maayo, ayaa xanaaq cirkaasi maray oo ku qayliyey haweenkii!! Tolow maxaa dhacay ee uu Carabkii tukaanka haystey ka xanaaqay?


Waxa dhacay ee aanay haweenka Soomaaliyeed dhaadsanaynin waxay ahayd, in ay ku hadlayeen oo ay ninka ku yidhaahdeen ereyo Carabi ah oo ay Afsoomaali u haysteen.


Waayo, dhawrka erey ee ay is yidhaahdeenba waxay ahaayeen erayo Carabi ah. Kuwaasi oo kala ahaa: balaayo (balaa), Cawar (Acwar) iyo Ibleys oo intuba Carabi wada ah!



"Haddaba, inta aanad falin ka fiirso" illayn waa la is fahmayaaye!


Cabdullaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...