Sinnaanta Raga Iyo Dumarka

0
Saturday July 10, 2021 - 11:06:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sinnaanta Raga Iyo Dumarka

    Waxaan Qeexi Lahayn Doorka Uu Labka Ka Qaadanayo Nolosha , Sidoo Kale Doorka Uu Dhadiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan Qeexi Lahayn Doorka Uu Labka Ka Qaadanayo Nolosha , Sidoo Kale Doorka Uu Dhadiga



Waxaa Qarnigii Tagay Iyo Kanba Soo Ifbaxay Siina Koraysa Aragtida Dhahaysa Sinaanta Rag Iyo Dumar Waa Lama Huraan , Hadaba Isweydiinee Macquul Ma Tahay Inay Rag Iyo Dumar Sinnaadaan Dhan Walba?

Ma Rabo Inan Diinta Islaamka Iyo Waxay Ka Tiri Arinkaas Ka Hadlo Sababtoo Ah Feminist Ama Mulxid Ma Rabo Mana Aaminsana Diinta Islaamka.

Marka Aan Ka Hadalno Aqoonta Iyo Garaadka Wanaagsan Waxay Qireen In Raga Iyo Dumarka Aysan Isku Mid Ahayn Aslanba Oo Ay Kala Duwanyihiin.

Aqoonta(Science) , Marka La Joogo Waan Ka Hormarinaynaa Garaadka.

Aqoon Ahaan Bal Aan Eegno :

1. Bilowga Nolosha Labka Iyo Dhadiga Isku Si Kuma Imaadaan Dunida

Labka Wuxuu Ku Dhashaa Isku Taga Labada Hidoside(Chromosome) Ee Y +X =Yx.

Halka Dhadiga Uu Ku Dhasho Labada Hidoside Ee X+X=Xx.

Halkaas Waxaa Nooga Cad In Kala Duwanaanshaha Uu Bilowgeenaba Jiray.

Dumarka Marka La Joogo Taranka Masoo Daayaan Wax Aan Ka Ahayn X Chromosome

Halka Ragu Soo Daayaan X And Y Chromosome.

Dumarka Malaha Hidoside Aan X Ahayn , Halka Ragu Soo Saaraan Hidoside Y Iyo Hidoside X.

2. Sameysanka Jirka Lab Iyo Dhadig Oo Kala Duwan.

Muuqaal Ahaan Dhalashada Kadibba Waa La Aqoonsan Karaa Canuga Dhashay Lab Ama Dhaddig Wuxuu Yahay , Sidoo Ilaa Ay Ka Qaangaarayaan Isku Dabci , Isku Hiwaayo, Isku Cayaar Ma Ahan Labada Jinsi , Taasoo Loo Sababayn Karo Qaabdhismeedka Jirkooda Banaanka Iyo Gudaha .

3. Qaangaarka : Lab Iyo Dhaddig Isku Si Uma Qaangaaraan, Marka Laga Yimaado Meelaha Ay Isaga Egyihiin Sida Timaha Hoose , Dareemida Biyaha , Waxaa Dumarka U Dheer Inuu Ka Yimaado Dhiiga Caadada(Xaydka), Kaasoo Ka Dhigaya Dhadiga Inay Dareemaan Dhib Mar Walba Uu Dhiiga U Yimaado , Sidoo Kale Dumarka Waxaa U Dheer Inay Uur Qaadayaan Taasoo Iyana Ah Dhib Kale , Si Lamid Ah Way Dhalayaan Oo Umul Ayey Maraan , Kadibna Waa Ay Nuujinayaan .

Labku Waxaas Ma Arkaan , Dhibkaasna Ma Maraan.

4. Garaadka: Marka Laga Hadlayo Garaadka Waa Waxa Lagu Kala Sooco Xoolaha Iyo Dadka , Si Lamid Ah Qofka Yar , Kan Waalan Iyo Kan Dhiman_Dhimanka Ah Waa Ay Ka Hooseeyaan Kan Caqligiisa Caadiga Yahay Rag Ama Dumar .

Marka Lays Barbardhigo Garaadka Lab Iyo Dhaddig Way Kala Duwanyihiin, Dhanka Xajmiga , Dhanka Fakarka , Xiisaha , Dookha Waxaas Oo Dhan Way Ku Kala Duwanyihiin, Midba Meel Ayuu Ku Fiicanyahay, Kala Duwanaanshahaas Hadaan U Dhaba Galno Waxaan Ogaan Karnaa Labka Muxuu Ku Fiicanyahay, Dumarka Maxay Ku Fiicanyihiin ?

Waxaan Qeexi Lahayn Doorka Uu Labka Ka Qaadanayo Nolosha , Sidoo Kale Doorka Uu Dhadiga Ka Qaadanayo Nolosha, Maxaysan Dumarka Qaban Karin , Ama Haday Qabtaan Uu Dhib Uga Iman Karaa , Si Lamid Ah Raga Maxaysan Qaban Karin , Ama Haday Qabtaan Uu Dhib Uga Iman Lahaa ?

Lagasoo Bilaabo Dhalashada Ilaa Gabownidamada Gabadha Nolosheeda Sideebaa U Fiican Oo Loo Dhigaa ? Si Lamid Ah Ninka Sidee Baa U Fiican?

Go'aanqaadashada , Hogaaminta , Dagaalada, Barbaarinta Caruurta , Maamulka Guriga ,Iwm Yaa Ku Fiican Rag Iyo Dumar , Yeyse Dhib Ku Tahay ?

Suaalahaas Iyo Kuwa Ka Badanba Hadii Loo Dhabagalo Waxaa Soo Bixi Lahaa Natiijo Wax Ku Ool Ah.

5. Sooyaalka Basharka, Marka Dib Loo Raaco Sooyaalka Waxaan Is Weydiin Karnaa

Doorar Noocee Ah Ayuu Labka Cayaari Jiray Si Lamid Ah Dumarka ?

Xataa Cilmiga Gene-Ka Hadii La Tixraaxo Waxaa Ku Cad In Raga Ka Xoog Badanyihin Dumarka , Ayaga Ayaa Raashiinka Soo Shaqeyn Jiray , Ayaga Ayaa Dagaalada Gali Jiray , Ayaga Ayaa Reerka Rari Jiray , Difaaci Jiray , Halka Dumarka Howlaha Guriga Ay Aad Ugu Wacnaayeen , Kuna Faraxsanaayeen.

#Iskuekaansho Miyaa Kuu Muuqda?

Dabcan May , Hagaag , Garaadkeena Hadaan Ka Hadalno Labadaan Shay Hadaysan Isku Ekeen, Isku Mid Ahayn Oo Ay Kala Duwanyihiin Waxaa Imanaysa Inan Ugu Horaynba Labo Magac Ula Baxno , Oo Marka Labadaas Lasoo Magac Qaado Isku Si Aynan Uga Fakarin , Isku Sawir Uusan Noo Muuqan Doonin , Sababtu Waa Kala Duwanaanshaha.

Marna Macquul Ma Ahan Inaan Isku Si U Aragno

#Xuquuqda; Maadaama Lakala Duwanahay Macquul Miyaa In Isku Xuquuq La Noqdo?

Waa May , Sababtoo Ah Isku Baahi Ma Ahan Dhadig Iyo Lab , Isku Hiwaayo Ma Ahan , Dhibaatooyinka Isku Si Uma Dareemaan , Isku Xaalad Ma Ahan , Sidaas Darteed Sinnaan Macquul Ma Ahan , Waxaa Caqliga Keenayaa Waa Hadii Si Si Quman Loo Fakarayo In Ay Cadaalad ,Muhim Tahay , Oo Jinsi Walba Wuxuu Kari Karo Loo Igmado, Wixii Dhib Ku Ah Aan Lagu Lurin, Wuxuu Xiiseeyo Hiwaayo Ahaan In Loo Fududeeyo Aan Lagu Dirqin Wuxuusan Xiisayn Ama Uuna Kari Karin , In Raga Iyo Dumarka Nolosha Aan Looga Dhigin Tartan Ay Is Cayrsanayaan , Is Xasdayaan , Xiqdi Iyo Col La Dhax Dhigin , Balse Loo Darbiyo Sidii Ay Ku Wada Noolaan Lahaayeen , Isku Fahmi Lahaayeen , Hadii La Is Khilaafo Xaaladaha Qaar Jinsiga Xaaladaas Garaad Ahaan Laga Maleynayo Goaan Toosni Hogaanka Loo Dhiibo, Waayo Caadhifad, Maxaa Iga Galay , Iwm Nolosha Ayey Kalgacalka Ka Tireysaa Iyo Xasiloonida.

Si Lamid Ah In Jinsiga Xooga Badan Inuu Kan Kale Duudsiiyo Sax Ma Ahn , Oo Waa Dulmi, Waxaa Markaas Muhim Ah In Ay Helaan Wax Ayaga Ka Baxsan Oo Xakamayn Kara , Macquul Ma Ahan In La Dhoho Qof Walba Wuxuu Doono Ha Sameeyo , Halays Garab Yaaco, Iwm .

#Gabagabo: Aqoon Iyo Garaadba Hadaan U Dhabaglno Maangal Ma Ahan In Labada Jinsi Sinnaadaan Xuquuq Ahaan , Siday U Kala Duwanyihiin Ayey Xuquuqdooduna U Kala Duwanaan.

Sawirka Koowaad Wuxuu Ka Hadli In Dad Kala Duwan , Kala Baahi Ah , Wax Isku Mid Ah La Siiyo, Ama Qof Walba Ayadoo Baahidiisa La Eegayo La Siiyo Wixii Uu Xaq Uleeyahay Cadaalad Ahaan Oo Aan La Dhihin Wuxuusan Hebel Helin Heli Maysid, Yaa Fiican Caqli Ahaan?



W/Q/ Kaahiye Buulle


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...