7 Caado ee Aadan Ku Arkayn Dadka Caqliga Badan..!!

0
Saturday July 10, 2021 - 10:55:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 Caado ee Aadan Ku Arkayn Dadka Caqliga Badan..!!

    Nolosho sidaad moodayso maaha oo way ka adag tahay, si aan waxwalba u garanno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nolosho sidaad moodayso maaha oo way ka adag tahay, si aan waxwalba u garanno


Sida lagu soo daabacay website-ka "culturecolective", waxaa jira 7 caado oo dadka caqliga badani ay ka fogaadaan, qof kasta oo caqli lehna ay habboon tahay inuu ka fogaado.
Caadooyinka dadka caqliga badani ka fogaadaan way tiro badan yihiin, waxaanse maanta idiin soo gudneynaa todobadan uu sida gaarka ah uga hadlayay website-ka "culturecollective”:
1 .Qorshe subaxeed wanaagsan ma laha
Waxaa qofka caqliga badan looga baahan yahay inuu garanayo waxwalba oo uu sameynayo marka uu hurdada kasoo kaco, si aan wakhti badan uga lumin xilliga uu shaqada ama waxbarashada u kalahayo, haddiise marka uu qofku hurdada kasoo kaco aanuu garaneyn waxa uu sameeyo maalintiisa inta soo hartay ayay saameyn taban ku yeelanaysaa oo jahwareerka uu subixii ku bilaabo ayaa gabalku ugu dhacayaa.
2 .Hurdo ku filan ma qaataan
Haddii hurdo kugu filan aad qaadan waydo waxaad ogaataa in maalintaa oo dhan aad noqoneyso qof daallan oo aan waxba qabsan karin, sidaa darteed markaad nasasho u baahato naftaada ha cadibin ee sariirta toos u aad.
3 .Caafimaadkooda ma daneeyaan
Waa caado aad u xun inaad caafimaadkaaga daneyn waydo, haddii aad naftaada daryeeli waydo yaa adiga bedelkaaga ku daryeeli doona.
4 .Waxa uu aaminsan yahay inuu waxwalba yaqaanno
Nolosho sidaad moodayso maaha oo way ka adag tahay, si aan waxwalba u garanno, sidaa darteed naftaada waxbar, waxwalba oo laguu sheegana ha rumeysay, Soomaalidu horey u oran jirtay ‘Waxwalba run moode ayaa ragga ugu liita’, iyagoo markaa tilmaamayay in mararka qaar shakigu fiican yahay.
5 .Dhageyste wanaagsan maaha
Inaad dhageyste wanaagsan noqotaa waa caado aad u wanaagsan maxaa yeelay waxyaabo cusub ayaad baraneysaa, laakiin markaad dhageyste fiican noqon waydo waxbadan ayaa ku seegaya.
6 .Naftiisa runta uma sheego
Dadka caqliga badan way ogyihiin waxwalba oo ay rabaan iney gaaraan marka hore naftooda ayay runta u sheegaan, waxa ay haystaanna way ogyihiin, markaas ayay waxa ka maqan xeeladdii ay ku gaari lahaayeen raadiyaan.
7 .Qorshe ma laha
Ilbiriqsi kasta oo nolosheenna ka tirsan qorshe uma sameyn karno caadi ahaan, laakiin waxaan qorshe u yeelan karnaa marka aan guriga ku noqonno waxaan qaban karno, xilliyada fasaxa waxaan sameyn lahayn. Sidaa darteed noloshu qorshe kama maaranto.


Gønzalez
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...