Nin caddaan ah ayaa dalxiiis u yimid somaaliya asagoo meel marayo ayaa nin meel fadhiya oo tuugsanaya ku yiri Magan Alle!

0
Saturday July 10, 2021 - 10:50:17 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1550
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Nin caddaan ah ayaa dalxiiis u yimid somaaliya asagoo meel marayo ayaa nin meel fadhiya oo tuugsanaya ku yiri Magan Alle!

    Ninkii caddaanka ahaa wuxuu yiri What?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninkii caddaanka ahaa wuxuu yiri What?

Kii tuugsanayay wuxuu yiri mar kale Magan Alle
Caddaankii wuxuu yiri What? Intuu fahmi waayay ayuu ninkii sawir xasuus ah ka qaatay wuuna isaga tagay markuu waddankiisa ku laabtay wuxuu ahaa nin hantile ah wuxuu wacay mid Somaaali ah oo taksiile ah wuxuu yiri waddankiina ayaan tagay ninkaan ayaan la kulmay Magan Alle ayuu i lahaa waan fahmi waayay muxuu ka waday?


Kii Somaaliga ahaa wuxuu ku yiri wuxuu lahaa ilaahay dartiisa igu caawi ,caddaankii ilin ayaa ka timid wuxuu yiri waa inaan ka farxiyaa miskiinkaas safaaradda somaaliya ayuu tagay wuxuuna u geeyay malyan dollar ah wuxuuna siiyay sawirka miskiinka wuxuuna u sheegay magaalada u ku arkay iyo meesha u kula kulmay.
Safiirkii wuxuu is yiri hal malyan oo dollar nin miskiin ah hadii la siiyo naxdin ayuu u dhimanayaa ee labo boqol oo kun oo dollar ayaa ku filan,asagiina wuxuu u diray duqa magaalada wuxuu ku yiri miskiinkaas hala siiyo lacagtaas,duqa magaalada markuu arkay wuu yaabay 200kun o dolar nin miskiin ah waa ku badantahay ee 2kun dollar halo geeyo wuxuuna ugu dhiibay taliyah qaybtaas madaxa ka ah,taliyihii markay soo gaartay lacagtii iyo sawirkii wuxuu is yiri nin miskiin ah 20$ uu ku qadeeyaaba ka badan muxuu ku falayaa 2kun oo dollar,20 dollar ayuu ugu dhiibay askari la shaqeynayay
Askarigii wuxuu u tagay ninkii miskiinka ahaa wuxuu ku yiri ma xasuusataa nin cadaan ah aad ku tiri magan Alle?
kii miskiinka intuu farxay ayuu yiri haa waan xasuustaa ee heee
Askariigii wuxuu yiri cadaankaas wuu ku fahmi waayay maalinkaas wuuna kusoo salaamayaa wuxuuna ku yiri Allaha inoo kaalmeeyo
Waa qaabka mucaawinada masakiinta loogu tala galay ay masauuliyiinta u kala qaataan , masaakiinta ku yiraahdo Allaha noo kaalmeeyo kadib markay cunaan wixii loogu tala galay dadkaas!

Sheekadana waa tusaale

W/Q/Abdirizak Qalif


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...