Dawlada Imaaraadka Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Maraakiib Ay Leedahay

0
Monday May 13, 2019 - 01:18:36 in News by
  • Visits: 4722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Imaaraadka Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Maraakiib Ay Leedahay

    Dawlada Imaaraadka Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Maraakiib Ay Leedahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Imaaraadka Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Maraakiib Ay Leedahay


Dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in afar markab oo kuwa ganacsiga ah lagu qaaday weerarro lagu waxyeellaynayo maanta meel u dhow biyaheeda Gacanka Cumaan.


Imaaraadku waxa uu sheegay in shaqaalihii saarnaa aan wax dhimasho iyo dhaawac ah soo gaarin, sidoo kale waxay sheegtay inaan maraakiibtaasi ka daadanin wax kiimiko ah oo halis ku ah biiā€™ada.

Markab ay leedahay dowlada Imaaraadka


Wakaaladda wararka UAE ayaa sheegtay in dadka weerarka qaaday ay doonayeen inay halis geliyaan nolosha dadka saaran maraakiibtaasi, waxayna ugu baaqday beesha caalamka in la qaado tallaabooyin looga hortagayo.


Meesha falkan ka dhacay ayaa UAE waxay ku sheegtay inay dhinaca bari kaga beegan tahay dekedda Fujairah.




Source:-VOA
Loading...
Loading...