Boqor Buurmadow Oo Ka Hadlay Laaluushka Xukuumadu Ku Harqinayso Baarlamaanka Cusub
Hargeysa(HWN):-boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka hadlay qorshayaasha muuqda ee ay dawladu ka dhexwado xildhibaanada cusub ee baarlamaanka si ay u hesho aqlabiyad ay ku hanato shirgudoonka.
Boqor Buurmadow ayaa war uu soo saaray waxa uu ku naqdiyey faragelinta ay dawladu ku hayso xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada, waxaanu warkiisu u dhignaa sidan:-
Xigmad soomaaliyeed Baa waxay tidhaahdaa Waxaa la yidhi. Reer hebel waxaa u dhashay Wan sucdi ah Oo garabka ilaa jeeniga madow Oday wax garad ah dadka aad u kala yaqaan Baa yidhi bah hebla nasiibkeedaan aqaanoo Madawga jeeniga wanku cugufta kuma sina Sidaas baanu u ahayn wanka dhashay sucdi Oo macnihiisu yahay maaha mid amran Ama barakaysan
Haatan Oday Muuse Biixi maalmihii dhowayd Ee uu qabtay doorashada isku sidkan iyo Markii uu aqbalay rabitaankii shacbiga Ee Cabdikariin Axmed Mooge iyo sidii Uu uga gaabsaday Doorashadii maayarada Gobolada dadku aad bay ugu riyaaqaan, Xataa kuwii nebcaa waxaana looqaatay Odaygu inuu U diyaargaroobayo inuu Dalkan kaga tago taariikh dhaxal gal ah,Anigu waxaan lahaa marwalba Bahal caydhin madaayo Nina caadadii ma baajo.
Alleylehe waa lay soo noqday mar haduu Ku bilaabay ama ku balaysimay baarlamankii Aynu u hanwaynayn Laaluush iyo ku tagrifal Hantidii umada oo qaarkood loo iibsanaayo Sidii wanankii saylada Hargays.
Madaxwaynayaashii ka horeeyey Muuse waxay xilka ka degeen iyagooLoo ducaynaayo Isagana waxaynu ugu ducaynaynaa Inu sharaf kaga tago sidii ragii ka horeeyey mase qurux badna toobiyaha uu ku socdaa.