Horyaalkii England Oo La Soo Gaba Gabeeyey Iyo Man City Oo Si Layaab Leh Uga Horqaaday Liverpool Koobkii Premier League+Sawiro

0
Monday May 13, 2019 - 01:13:49 in News by
  • Visits: 2367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalkii England Oo La Soo Gaba Gabeeyey Iyo Man City Oo Si Layaab Leh Uga Horqaaday Liverpool Koobkii Premier League+Sawiro

    Horyaalkii England Oo La Soo Gaba Gabeeyey Iyo Man City Oo Si Layaab Leh Uga Horqaaday Liverpool Koobkii Premier League+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horyaalkii England Oo La Soo Gaba Gabeeyey Iyo Man City Oo Si Layaab Leh Uga Horqaaday Liverpool Koobkii Premier League+Sawiro


Kooxda Manchester City ayaa markii labaad oo isku xigta ku guuleysatay horyaalka Premier League ka dib markii ay 4-1 ku dubteen kooxda Brighton oo marti loogu ahaa garoonka Amex Stadium, iyagoo uga mahadcelinaya goolal ay u kala dhaliyeen Aguero, Laporte, Mahrez iyo Gundogan.

Manchester City captain Vincent Kompany leads the celebrations after a third EPL title in four seasons.

Manchester City manager Pep Guardiola joins his staff in the post-match revelry at Brighton.


Waa markii ugu horeysay muddo 10 sannadood ah oo koox ay ku guuleysatay labo xilli ciyaareed oo isku xigta horyaalka Premier League, markii ugu danbeysay waxaa sameysay United oo hanatay sannadihii 2008 iyo 2009 markaasoo uu macalin u ahaa Sir Alex Ferguson.


Manchester City ayaa si u qalanto u hanatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ka dib markii ay tartan adag kala kulmeen Liverpool oo ay hogaanka kaga qaadeen kaliya hal dhibic.


Manchester City ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii 27aad markii koonar ay soo tuureen Brighton uu goolhaye Ederson isku dayay inuu feer ku bixiyo laakiin waa uu gaari waayay, waxaana kubada madaxa la helay Murray kaasoo shabaqa ku aasay.


Hogaanka kooxda Brighton waxa uu waaray kaliya daqiiqad iyadoo durbadiiba ay Manchester City jawaab bixisay islamarkaana barbareysay ciyaarta.


David Silva ayaa kubad u dhex bixiyay Aguero oo dib maray daaacyada islamarkaana kubada ka hoos biixyay goolhaye Ryan.

Man City sealed back-to-back Premier League titles with victory against Brighton
Pep Guardiola celebrates winning his second title with Man City

Daqiiqadii 38aad ee qeybta hore ayayna City la wareegtay hogaanka markii ugu horeysay iyadoo koonar uu soo qaaday Riyad Mahrez uu madaxa ku dhaliyay daafaca Aymeric Laporte taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo ay City hogaanka ku qabatay, sidaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore.


Manchester City ayaa hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 63aad ka dib markii Riyad Mahrez uu u dhaliyay goolkii ugu muhiimsanaa ee seddexaad.


Xiddiga reer Algeria ayaa kubada ka leexsaday Dunk isagoo afka hore ee xerada ganaaxa taagan, waxaana uu darbo fiican ku toogtay qeybta kore ee shabaqa goolhaye Ryan ayaa isku dayay inuu gacanta ku dhigo laakiin kubada waxa ay ku nasatay shabaqa.


Waxaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 72aad xiddiga khadka dhexe Ilkay Gundogan kaasoo laad xor ah oo cajiib ah dabamariyay goolahey Ryan ciyaartana ka dhigay 4-1.


Manchester City ayaana horyaalka Premier League ku qaaday si la yaqaano iyagoo badiyay haatan 14 kulan oo isku xigta, waxaana markii labaad oo isku xigta loo caleemo saarayaa inay yihiin Horyaalka Ingariiska.

Loading...
Loading...