G E E L A. W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.
Geelu waxa uu kamid
yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordata),
gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia) qoyska ballaadhan ee qanjaafileyda
(Artiodactyla). Geelu waxay ku jiraan qoyska hoose ee geela (Camelidae), bahda
cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Camalus). Asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa
waqooyiga Ameerika, inkastuu xidhiidh dhaw la leeyahay bariga dhexe iyo
qaaradda Afrika. Guud ahaan geela adduunka ku dhaqan waxaa loo qaybiyaa laba
nooc kuwaas oo kala ah: mid hal kurusle ah (Dromedary camel) iyo mid laba
kurusle ah (Bactrian camel), sidoo kale waxa jira nooc geela kamid ah oo aan
lahayn Kurus, kaas oo aad u gaagaaban kuna nool koonfurta Ameerika laguna
magacaabo (Llama).
Geelu waxay kamid
yihiin xayawaannada dhirta laacda ama se tiigsada (browsers Animal). Luuqadda
ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Camel), Carabidana (ابل). Afsoomaaliga guud ahaan waxaynu unaqaannaa
GEEL, dheddigiisa Hal, markay dhawr neef dhashana Duq, labkiisana Awr. Markay geelu yaryar yihiin
waxaa looyiqaannaa Nirgo, Cododka geela waxaa loo yaqaannaa: Guux, Cabaad,
Olol, Dunuunuc, Yuus iyo Reen, midka la
dhufaanay waa Koran, ka geela tarmiya ee lagu daraana waxaa looyiqaannaa
Baarqab. Cimrigiisu waxaa uu gaadhaa 25-40 sanno, culayskiisuna 400 ilaa 600
kiiloo, halka uu dhererkiisuna gaadho 11 fiit. Heerkulka jidhkiisu waxa uu u
dhaxeeyaa 34 - 40 digrii, Waxa uu badanaa kunool yahay dhulalka saxarraha iyo
saxarro xigeenka ah. Waxa uu leeyahay 74 hiddo-side iyo 34 ilkood. Sidkiisu
waxa uu gaadhaa 12-15 bilood, kuwaas oo ku qaangaadh 4 illaa 5 sanno.
Waxa uu kamid yahay xayawaannada leh dhiigga diirran (warm blooded), Iyo sidoo kale kuwa leh dhawrka caloolood, gaar ahaan geelu wuxuu leeyahay saddex caloolood (Pseudo- Ruminants) waana xoolaha soo calanaqsada. Waxa uu wax quutaa maalintii (Diurnal), isagoo quuta cawska iyo caleemaha dhirta (Herbivore). Saacaddii waxa uu jari karaa 85 kiiloomitir. Geelu waxa uu kamid yahay xayawaannada qur'aanka lagu sheegay mucjisada abuurkiisa, sidoo kale waa meesiga keli ah ee ay diinta islaamku innagu waajibisay in hilibkiisa laga weysaysto marka la cuno. Geela adduunka ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa 35 milyan oo neef, geela ugu badan caalamka waxaa laga helaa dalalka Soomaaliya, Ustareelliya iyo Suudaan.
Sida bulshooyinka kale ee islaamka ah qoomiyada soomaalidu aad ayay u qadariyaan geela, sababtoo ah meesiyada kale wuu ka manfac badan yahay, waxaana laga helaa: Godol iyo gaadiidsi ama Caano badan, Hilib weyn iyo rarasho culus. waxaa iyaduna isweydiin mudan, Maxaa ka dhaxeeya geela iyo islaamka ? Geela adduunka ugu badan dalalka islaamka ah ayaa laga helaa ama dad islaam ah ayaa dhaqda, toloow waa maxay sababtu ? waxaa jira afmaallo soomaali ah, oo ku caanbaxay ku xarragoodka ammaanta geela, kuwaas oo laga xusi karo: Cabdi-Gahayr, Cumar-Ustareelliye, Sayidkii iyo Abwaan Ismaaciil Mire. Ugu danbayntii Nebigu Scw geela wuu lahaa, waanay usoo dacwoodeen wakhtigiisii, waxaana uu inna faray u naxariisashada guud ahaan xayawaanka.
Mayeedhaan Magazine.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!