Taxanaha Xikmadda Q:1aad
Xikmadihii iyo odhaahihii William Shakespear.
( gabyaagii, qoraagii iyo faylasuukii reer Ingiriis)
====================================
1: "Danbiyada waaweyn ee ruuxu galo marka uu dhinto, badanka waa laga sii sheekeeyaa; balse wanaagyadiisu isaga ayay la god galaan, oo sida isaga loo aaso ayaa iyagana loo duugaa."
2: "Haddii aad doonayso gabadh jaceylkeeda, waa inaad u dulqaadataa oo xammishaa waalideeda."
3: "Sida loo kulmiyo ee meel la isugu keeno aragtida garaadyahannadu way adag tahay, balse sida loo kulmiyo xayn adhi ahi waxay kaaga baahan tahay ay iyo adhi-jire oo qudha."
4: "Gabdhuhu waxa ay adduunka oo dhan ka dalbadaan nin uun, marka ay isaga helaana, waxa ay isaga ka dalbadaan wax walba."
5: "Quruxda hantiiluhu waa deeqsinimo, quruxda saboolku waa qaneeco, quruxda gabadhuna waa dhawrsoonaan."
6: "Ma ihi ruux faraxsan, haddii aan awoodayo in aan sifeeyo heerka ay farxadaydu gaadhsiisan tahay."
7: "Xilka mudnaanta leh sida boqornimadu maaha danbi, ee waxa uu danbi noqdaa marka uu ruuxa hantay maroorsado ee awoodiisa si khaldan u adeegsado, isaga oo aan dhawrayn dareenka dadka kale."
8: "Ha isku dayin in aad ku guulaysato dood kastaba, mararka qaar inaad qalbiyada hanato ayaa ka mudan inaad doodaha hanato."
9: "Dadka doorka ahi, waa in aanay la saaxiibin cid aan udhigmin."
10: "Waan kaa cafiyi karaa 10 gef oo kala duwan, balse kaama cafiyo karo laba gef oo isku mid ah oo aad igu samaysay."
11: "Doqonku waa kan isku maleeya murtiile, balse murtiiluhu waa kan naftiisa uyaqaan doqon."
12: "Geesinimadu maaha inaad aarsato, balse waa inaad dhabar-adaygto oo adkaysato."
13: "Inanta kulanka ugu horreeya jaceylkeeda ku sheegata, waxay kaa tagi iyada oo aan xatta kusii macasalaamayn."
14: "Cidda aynu sida daran u jecelnahay, ayay maqnaashaha iyo fogaantu si ka fiirsi leh u xushaan."
15: "Adduunyada oo dhami waa masrax weyn, oo ragga iyo dumarka oodhammina waa jilaayadii masraxaas."
Xikmaddee adiga sida gaarka kusoo jiidatay?
Fadlan Walaal, adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
Qallinkii: Maxamed Deeq Darajo
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...