Ololaha Nadaafada Hargaysa Waa Bar Billow Wanaagsan Oo Loo Qaaday Dhanka Saxsan

0
Thursday July 08, 2021 - 09:41:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ololaha Nadaafada Hargaysa Waa Bar Billow Wanaagsan Oo Loo Qaaday Dhanka Saxsan

    W/Q Hamse Riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Hamse Riiraash

Ololaha Nadaafada Hargaysa Waa Bar Billow Wanaagsan Oo Loo Qaaday Dhanka Saxsan..



Waxa magaalada hargaysa hiirtii hore ka bilaabmay ololo nadaafadeed taasi oo lagu nadiifinaayo dooxa weyn ee magaalada hargaysa.


Taasi oo uu hor kacaayo duqa dhawaan loo cumaamaday laguna caleemo saaray si looga dhigo maayirka magaalada hargaysa.


Kaa oo uu magaciisu yahay abdikariin ahmed mooge Kaasii oo codkeeniina siinay si loo hello hargaysa dhaanta tii shalay. Haa.


Hargeysa oo ah hargaysa hadhwanaag ahna meelaha ugu biyaha macaan haddii loo hagar baxana noqon karta dhulka ugu bilicda qurxoon uguna cimilada fiican ayaa ah hooyadii suugaanta iyo abwaanada.


Hargaysi may hellin hiilkeedii ka hor qabsashada mooge.imikase waxaad moodaa in ay ka widh widhwidhayso iftiin uu hoggaanka u hayo nin sida qoraxda ugu muuqda bulshadiisa.


Hargaysadaan ku taamanay hadduunbay haysaa tubteedii iyo hiigsigeedii si ay u xaqiijiso himiladeenii habeenada badan aan ku riyoonanay


Mar walba waxaan dawlada iyo maayarada shicibka iyo umaddaba xasuusinayaa in iyadna wax laga qabto kuwa sharci darada ku dhisanaya meeshay ku ooli jirtay madarasadii al-falaaxa ee xaafada new hargaysa.


Kuwaa oo ganacsado wax ma garatihii ku dhisanayaan dhul ayna xaq iyo xuquuq toona u haysan.

Aniga oo kuwa dhisanaayana ku leeyahay carruurtiina xaaraan ha u shaqaynina oo xalaal quudsiiya joojiyana dhismayaasha sharci darada ee aad ku wadaan madarasadii falaaxa ee ahaan jirtay ahaydna hooyadii aqoonta.


Dadka reer hargaysee gobtoow wax u sheega runta taabsiiya kuwaa wax magaratooyinka ah eev Raba in ay dulmi ku dhistaan dhul ayna xaq iyo xuquuq ulahayn. ha noolaato somaliland. Waligeed ha noolaado ololahan iyo magaalada hargaysa oo aduunka ugu jecelahay


Hamse Riiraash

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...