Yaa Arkay Golahii Degaanka Ee Burco U Kacay?

0
Thursday July 08, 2021 - 09:34:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Arkay Golahii Degaanka Ee Burco U Kacay?

    W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle,
Inkasta oo aqoon iyo ilbaxnimo ku filan la bidayey, Inamada golaha deegaanka Burco, si bay u qurux badnaayeen, una malayn maayo in ay weli ku daadageen togga Burco dhex mara, waxaa labada daan ee togga tuuran xashiish, marka dusha laga eegana waxaad moodaysaa in daad xoori labada daan keentay.



Marka xashiishkaa la gubo waxaa xaafadaha inta u dhowdhow qabsada qiiq, kaas oo sababa caafimaad darro iyo nolol xumo, hadaba golaha cusub waxaannu uga fadhinaa hal abuurkii lagu joojin lahaa caruur xashiishka ku madadaalata.


Malaha waa dhalinyarada kursiga gaabsata ee muraayadaha madoobaysta, marka ay gaadhiyada wataan, haddii kale waxay arki lahaayeen waddooyinka ay dhiseen Golihii ka horreeyey, haddana aanu sharcigu kala xadayn, sida loo kala leeyahay. Tolow marna ma ka fekereen halka ay farraarada ka yeelato waddada waqooyi uga baxda Siirooga ( roundabout ) Muj Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali. Tolow marna ma is weydiiyeen khatarta ka dhalata waddada Baar siigo Howd iyo Hodan uga baxda Siirooga Muj Waysacadde ee saddexda madax yeelata, ma arkeen wareerka haysta dadka lugaynaya iyo darawalada?.


Weliba taliyaha qaybta Bilayska gobolku waa sarkaal sare oo ku soo shaqeeyey ciidanka nabad gelyada waddooyinka, kaaga darane gaadiidka magaalada khaatiga laga joogo ( tigta ) goor ay mid ka mid ahi dembi gashay, wuxuu u kala calaamadiyey kuwa Galbeedka iyo kuwa bariga Burco.


Golahayaga aannu soo dooranay ma ku dhiirran karaa isku bedelka sawirada labada Mujaahid? Ma garan karaan mugdiga in aan Dayaxa uun la sugin, Xidiguna xikmad u joogaan?.


Boqolaalkii taariikh bandhiga u ahaydee, Bashiir lagu barbaarshee Oomaar ka baaqaay, birma gaydadaa kacay nafta waxay u bixiyeen, badbaadada dalkoodiyo bilawgii xoriyadaay. Bidhaan aragtidaaday naftu baadi doontaa, Burcadii bilaydeey kuu busaylay awgaa. Hal abuur Cabdi Midhaaf.


Bashiir Tarabbi Oogle,
Burco, Soomaalilaan.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...