Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Wiil Dhalinyarro Ah Oo Lagu Toogtay Jaamacadda Camuud

0
Tuesday July 06, 2021 - 15:10:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Wiil Dhalinyarro Ah Oo Lagu Toogtay Jaamacadda Camuud

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Wiil Dhalinyarro Ah Oo Lagu Toogtay Jaamacadda Camuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Wiil Dhalinyarro Ah Oo Lagu Toogtay Jaamacadda Camuud


Hargeisa(HWN):-Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa ka hadlay dhacdo shalay maqribkii ka dhacday jaamacadda Camuud, halkaasoo Askari ka tirsan Illaalada Jaamacaddu uu ku toogtay Wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeedda Puntland, isla markaana ka tirsan Ardayda halkaas wax ka barata.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Diiwaan-gelinta Doorashooyinka


Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi waxa uu ku baaqay in kiiskaas si deg-deg ah Maxkamadda loo horkeeno si Ardaygaas iyo Qoyskiisuba u hellaan Caddaalad dhammaystiran.

"Aad iyo aad baanu Xisbi ahaan uga xunahay Dhacdooyinkan soo noqnoqonnaaya ee Booliska ka imanaaya. Runtii anigoo ku hadlaaya afka guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ka hoggaanka iyo ka fullinta iyo golaha dhexeba waxaannu ka nahay oo la wadaagaynaa tiiraanyada iyo dhibaatadda Qoyskaas ku soo habsatay, laf jab bay innagu tahay qof rajo leh oo maalinkasta rajaddii si dhib yar ku go'ayso.

Boorama waa magaaladda Nabad-gelyadda, waa magaaladda Aqoonta, jaamacadda Camuud, samcadda ay somaliland u soo hoysayna waa la garanayaa, kaalinta iyo booska ay ku jirtanna waa la garanayaa.

Jaamacadda Camuud uma baahna in hub lala dhex joogo, ciiddanka joogaa inuu bilaa hub noqdo ayay ahayd, inanku muu hubaysnayn ee sida la sheegay Mobile-kiisii ayuu u doonanaayay gudaha jaamacadda, waxa ku filnayd in la qabto haddii uu wax khalad ah sameeyay, sinnaba suurto-gal umay ahayn in qori lagu fiiqo, waxkasta ha lagu sababeeyee, waxaannu halkan baaq dheer uga diraynaa in Booliska wacyigiisa kor loo qaaddo. Waxa kale oo aannu ku baaqaynaa in si deg deg ah baadhista dhacdadaas loo galo oo Maxkamadda la hor keenno
Loading...
Loading...