Kumuu Ahaa Ardaygii Lagu Dhex Dilay Jaamacadda Camuud?

0
Tuesday July 06, 2021 - 15:05:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumuu Ahaa Ardaygii Lagu Dhex Dilay Jaamacadda Camuud?

    "Wuxuu ahaa qof aad u wanaagsan, bashaah ah, oo dad jecel"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wuxuu ahaa qof aad u wanaagsan, bashaah ah, oo dad jecel"

Waxaa lagu wadaa in maanta la aaso Ibraahim Cabdishakuur oo ahaa arday dhiganayay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, oo xalay uu askari ku dhex dilay gudaha jaamacadda.



Dhacdadan oo ay dakdu aad iskula dhex marayeen, ayaa la sheegay inay ka dambeysay kaddib markii ardaygaasi uu isku dayay inuu helo telefoonkiisa gacanta oo uu jaamacadda ku dhex ilaabay.


Mid ka mid ah askarta ilaalinayay ayaa u diiday inuu jaaacadda galo, kaddib muran dhex maray ayaa sababay in askariga uu rasaas ku furo ardaygaasi.


Sida uu BBC-da u sheegay duqa magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame, toogashada ayaa ka dhacday irridda hore ee laga galo jaamacadda oo uu ku sugnaa askariga wax toogtay. Askariga oo ka tirsanaa booliiska Somaliland ayaa la sheegay in uu hadda xiranyahay.


Maxaa lala xiriirnayaa dilka Ibraahim?

Waxaa baraha bulshada la isla dhex marayay in Ibraahim uu xirnaa dhar u midab eg kan calanka Soomaaliya, sidaasna ay sababtay in la dilo.


Balse Diiriye Maxamuud Jaamac, oo ah madaxweyne ku xigeenka xiriirka bulshada ee Jaamacadda Camuud, ee magaalada Boorama ayaa BBC-da u sheegay inaysan jirin arrintaas. Wuxuuse sheegay inay jirto xiisad kale oo ku saabsan in ardayda dugsiyasa sare ee magaalada Boorama qaarkood ay 26-kii June baraha bulshada soo dhigeen arday ku lebisan calanka Soomaaliya, iyagoo ku sheegay inay yihiin kuwa Jaamacadda Camuud. Wuxuu qirey in aysan wax xiriir ah ka dhaxaynin dilka Ibraahim iyo arrinta calanka.


"Booliis badan ayaa magaalada la keenay, marka xiisadda calanka ayaa ka jirtay gudaha Jaamacadda," ayuu yiri.


"Siyaasad kale ma jirto aan ka ahayn inuu telefoon ku soo ilaabay jaamacadda, inuu xitaa Puntland ka soo jeedo cidna ma ogeyn, ee waan galayaa iyo ma galeysid unbaa la isku qabtay." Ayuu yiri Diiriye.


Sidoo kale duqa magaalada Boorama ayaa beeniyay arrintaas, "Xaqiiqda meesha ka jirtaa waa arday moobil ku soo ilaaway jaamacadda, wax calan ah iyo wax hawshaasi quseeyana maba ahayn."


Kumuu ahaa Ibraahim Cabdishakuur?

Ibraahim Cabdishakuur oo ku jira da'da 20-aad wuxuu dhiganayay fasalka labaad ee kuliyadda injineeriyadda, ee Jaamacadda Camuud, isagoo baranayay cilmiga kheyraadka Biyaha.


Shalay ayuu galay imtixaanka looga gudbo fasalkaas, wuxuuna ahaa arday aad u dadaal badan, oo doonayay inuu noqdo injineer, marka uu jaamacadda dhammeeyo.


Cabdulqaadir Axmed Cabdi (Jeylaani) oo ay saaxiib dhow ahaayeen Ibraahim, isla markaana ah guddoomiyaha ardayda fasalka uu dhiganayay ardaygaas ayaa BBC-da u sheegay in Ibraahim uu ahaa arday aad u dadaal badan oo ka dhex muuqday ardayda kale ee fasalka.


"Wuxuu ahaa qof ka dhex muuqda ardayda, inta badanna jaamacadda ayuu joogi jiray. Wuxuu ku hammin jiray inuu wax ka qabto baahiyaha biyaha ee ka jira dalka, " ayuu yiri.


"Shalay ayaan isla galnay imtixaanka, markii aan soo wada baxnay ayaan ku kala leexannay guryaheenna. Mar dambe ayuu telefoonka walaalkiis iga soo wacay wuuxuuna ii sheegay inuu telefoonka soo ilaabay, wuxuuna iga codsaday inaan waco dean-ka fasalka, maqribbadii ayaa la ii sheegay inay xabbad ku dhacday oo uu isbitaalka ku jiro,".


Caadi ahaan marka imtixaamka la galayo, taleefoonada waa laga reebaa ardayda, waxaana dhacday in Ibraahim markii uu imtixaamka kasoo baxay uu soo hilmaamay taleefoonkiisa, taas oo keentay in uu ku laabto oo uu doonto mobeelka.


"Wuxuu ahaa qof aad u wanaagsan, bashaah ah, oo dad jecel dadkuna jecel yihiin aadna u furfuran." Ayuu yiri Jeylaani.


BBC-da uma aysan suurtogalin in ay taleefoon ku hesho waalidka iyo qoyska Ibraahim xilligii sheekadani diyaarinteeda lagu jiray.


Geerida Ibraahim ayaa gilgishay quluubta Soomaalida, iyada oo dad ay baraha bulshada soo wada dhigayeen sawiradiisa oo ay ka muuqato farxad badan iyo bashaashnimo.


Jaamacadda Camuud waxa ay ka mid tahay jaamacadaha ugu muhiimsan ee ku yaala geyiga Soomaalida, iyada oo arday badan oo Soomaali ah oo ka tagtay deegaanada Soomaalida kala duwan ay u doontaan waxbarasho kala duwan oo tacliinta sare ah, maamulka jaamacadana waxa ay shir jaraa'id ka sheegeen in ay ka tacsiyaynayaan, kana xunyihiin wixii dhacay.


Guddoomiyaha jaamacadda Camuud Saleebaan Cabdi Guuleed ayaa odayaasha dhaqanka iyo culumu isugu yimid arrinta dilka dhacay u sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen shil, kana xunyihiin ardayga ku baxay gacanta askariga


BBC

Loading...
Loading...