Somaliland:-Cashuur Bixiyeyaasha Oo Markii Ugu Horaysay Loo Sameeyey Aqoonsi U Gaar Ah

0
Tuesday July 06, 2021 - 09:54:09 in News by
  • Visits: 1448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Cashuur Bixiyeyaasha Oo Markii Ugu Horaysay Loo Sameeyey Aqoonsi U Gaar Ah

    Somaliland:-Cashuur Bixiyeyaasha Oo Markii Ugu Horaysay Loo Sameeyey Aqoonsi U Gaar Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:-Cashuur Bixiyeyaasha Oo Markii Ugu Horaysay Loo Sameeyey Aqoonsi U Gaar Ah

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa markii u horaysay hirgelisay in cashuur bixiyeyaasha ganacsatadda ah ay yeeshaan Sumad lagu aqoonsanayo.




Tallaabadaasi oo ay kula jaan-qaadayso sida ay sameeyaan wadamo badan oo caalamka ah gaar ahaana dawladaha fhinaca dhaqaalaha ka horumaray.


Bixinta sumadan lagu aqoonsanayo cashuur bixiyeyaasha Somaliland ayaa looga dan leeyahay si ay dawladda uga helaan wixii xuquuq ah ee ku yeelanayaan.

Sidaasina waxaa shaaciyay agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan, oo u waramay barnaamijka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee TV-ga qaranka Somaliland.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in tiradda ganacsatadda ay ilaa hadda u diiwaangeliyeen in ay yihiin cashuur bixiyeyaal fiican ay dhan tahay 16000, oo cashuur bixiye.

 



"Wadamada adduunka ee ka horumaray xagga dhaqaalaha, cashuur bixiyeyaashiisu way u suntan yihiin, waanay u calaamadsan yihiin.
Waxaynu markii u horaysay dhaqan gelinay, labadii sanadood ee ugu danbeeyay, in cashuur bixiyeyaasheenu ay yeeshaan, Sumad iyo calaamad waarta.

Si xuquuq iyo waajibaad in isna wixii uu dawladu ku lahaa, u hello. Waxaanu maraynaa ilaa 16000, oo cashuur bixiye, in aanu siinno, Sumadda aqoonsiga ee loo yaqaanno, tax identification”.
Maxamed Cabdi Gurxan, waxa kaloo uu sheegay in ay labadii sanadood ee u danbeeyay tiro-koob ku sameeyeen tiradda guryaha ay dadka shacabka ah leeyihiin ee la kireeyo ee ay dawladu cashuurta ku leedahay.

"Waxa kaloo aanu wadnaa, si dakhligu u waarro, sahanka guud ee guryaha ay dadka shacabka ah leeyihiin, ee kirro u jooga ah, ee ganacsiga ah.

Taasoo aanu imika tiro ahaan sii marinayno, halkii ay laba sanno ka hor ka ahayd, 8000, oo guri.
Imika waxa uu sahankayagu uu socdaa, ama aanu diiwaangelinay, oo aanu sal-balaadhinta cashuurta ku keenay, ilaa 45000, oo guri, oo kirro u joog ah, oo ay dawladu cashuurtii ku leedahay” ayuu yidhi agaasime Gurxan.

 


Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa tilmaamay in ay horumar ka sameeyeen hab raaca loo maamulo cashuuraha.
Waxaanu yidhi, "Waxa kaloo aanu horumar ka samaynay, in aanu hab raaca loo maamulo cashuuraha, in aanu casriyayno”.


Loading...
Loading...