Siyaasada S/Land Ee Bilaa Mabaadiida Ah

0
Tuesday July 06, 2021 - 09:42:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasada S/Land Ee Bilaa Mabaadiida Ah

    Q : Khalid mohamed osman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Q : Khalid mohamed osman.
Ereyga ‘siyaasad’ ma aha Af Soomaali, waa kelimad Af Carabi ah, macnaheeduna yahayMaamulid wanaagsanamahagaajinta danaha raciyadda.Ma aha Khiyaamo, Sir, iyo Af-Miishaarnimo wax lagu hodo.



Waxaa beryahan soo ifbaxday dhalinyaro u Ooman siyaadda, oo doonaya in ay ku biiraan Dawladda una shaqeeyaan dalkooda, dadkooda iyo diintooda. Dhalinyaradu waxay xaq u leedahay in ay ka shaqeeyaan sidii wadanku uga bixilaha deganaasho la,anta siyaasada kuna shaqayn lahaayeen mabaadii.


Waxaad arkaysaa Qof dhalinyaro ah oo hada kasoo baxay Jaamacad oo aan weligiis kasoo shaqayn xafiis dawladeed haddana raba in uu noqdo Xildhibaan, Wasiir ama Garsoore maxkamadeed.


Waxaad sidoo kale arkaysaa Qof dhalinyaro ah oo waxbartay, Muddo yarna ka shaqaynaanyey shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ama haayadaha aan dawliga ahayn laakiin aan weligiis kasoo shaqayn xafiis dawladeed haddana doonaya in uu qabto xilalka siyaasadeed.


Waxaana arintaan garabsiinaayo awood qaybsiga Siyaasadeed ee ku salaysan qabiilka taas oo aan xeerinayn Aqoon iyo Waayo-aragnimo toona. Foororka siyaasadda ee ka jirta wadanka ayaa sabab u ah deganaansha iyo horumar la’aanta wadanka ragaadisay muddada 30 sano ku dhow.


Marka laga yimaado in aanay siyaasada sida ay somalidu u fahantay ahayn waxa dhowaan soo baxay xildhibaano baarlamaan iyo deegaan kuwaas oo saddex xisbi kasoo kala baxay uuna xildhibaanku xanbaarsanaa ajabdihii iyo mabaadiidii uu xisbigiisu waxay waxa lasoo gaadhay xiligii shir gudoonka la Dooran lahaa isagoo ku matalaya xisbigiisa sidoo kalena kalsooni ka haysta xisbigii uu kasoo baxay oo ay usoo cumaamaden inuu ku matalo shirgudoonka xisbiga xildhibaanki kala soo baxay xisbigiisa isagoo xisbigii loolanka siyaasaded la dhexeeyey ku taageeraya xubinta ay wataan xisbigii uu kaso horjeday.


Sidaa markay tahay waxaa meeshii ka baxaya mabaadiidii uu xanbaarsanaa xildhibaanku oo uu dano gaar ah u baydhay wax is badala aanu keeni Karin xildhibaan ka ixtiraami waayay codkii shacabkiisa iyo mabaadiidi xisbigiisa rajo beelna uu ka dhigay.

Lasoco Q2aad

Q : Khalid mohamed osman.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...