Kuwa Madarasada Al-Falaaxa Dhisanaya Ma Waxay Moodayaan In Ay KaMacaashayaan
W/Q: Hamse riiraash
akhristayaasha ayaa salaan diiran gaadhsiinayaa.salaan ka dib waxa
aan la hadlayaa dadka reer somaliland gaar ahaan hargaysa madaxdooda
mijahooga iyo dhamaan qaybaha Kala duwan ee jooga.
Al-falaaxa waxa ay ahayd bidhaan ka widhwidhaysay hargaysa.iftiin
ka baxaysay magaalada .buldhigeeduna ahaa aqoon Taa oo ay ka aflaxayeen
qoonyahano Dr iyo madaxba.haa
Waxay ahayd madarasad wacan oo Maan korisa ah .Taa oo ay u hiilin jirtay cilmiga iyo aqoonta.
Dadyowgii ilbaxda iyo hargaysawiyiinta asalkii si fiicanbay u garanayaan madarasadaa iyo taariikhda ay xanbaarsantahay.
Mujaahid cali guray oo ah dadka qayb weyn ka qaatay Dib u
xorrayntii dalka iyo Dib u dhiskaba alla cimriga ha u dheerayeebaaba
nool oo si fiican u garanaya taariikhda al- falaaxa. ismaaciil dheeg oo
ah culimada waaweyn iyo sheikh maxamed aadanbaa jooga oo idinka warami
karaba taariikhda Al-Falaaxa iyo madarasadaba.
Madarasadaas waxa aas aasay sheikh axmed cabdilaahi riiraash
sheikhii weynaa marna ahaa qoraagii daabacay buuggii uu ciwaankiisu ahaa
kishf saduur taariikh can soomaal.marna tafsiirka ka akhrin jiray
idaacada radio hargaysa rabbi ha u naxariistee.
Hadda qaarbaa rabba in meeshii madarasad falaaxa ay ku ooli jirtay
in ay iska dhistaan kuwaa oo ah wax magarato,aan fahansanayn haddaba
waxaan usoo jeedinayaa fariin kuna leeyahay hagu gubanina ka macaashi
maysanee Madarasadan waatii ku ooli jirtay xaafada new hargaysa.
Dawladuna waa in degdeg ujoojisaa dhismahaa kuwa dhisanaya waxaan
leeyahay caruurtiina xaaran ha u shaqaynina ee xalaal quudsiiya.ogaadana
in madarasadaas ay dadi leeyihiin . Dadka reer hargaysee gobtii
gobonimaan ku ogohoo aqbali maayaan dulmiga lagu dhisanayo madarasadaasi
reer new Hargeisa runta ha u sheegaan kuwa raba in ay dhistaan meeshaas
iyagoo xaq iyo xuquuq u haysan.
Dhamaan ganacsadayaashoow dhul halka idin noqon mayso kana macaashi maysaanee hoy ka jooga.
Hamse riiraash
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...