Golaha Cusubee Yimoow, Gantaasha Ku Taaganiyo, Gamuunka Gabdhaha Ka Jara.

0
Tuesday July 06, 2021 - 09:32:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Cusubee Yimoow, Gantaasha Ku Taaganiyo, Gamuunka Gabdhaha Ka Jara.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,[A.S.C.W.R.W.B]

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.



GOLAHANI LA SOO DOORTAYOOW,GAADHE GURIGIIYE,


GUDOONKIINA DOORTO DHAQSADA,GO’E HAWEENKIYE,


GUNIMADA INAGA MAYDHA OO,GUDA ABAAL GUUN AH,


GURMADOO GANTAALA KA JARA,GAADHAY DUMARKENA,


GABDHAHA KUFSIGA LAGULA FALE,GEERIDU U DHAANTO,


GUUMOOBAYEEN GUUR SUGAYN,GAABSI NOLOSHOODU,


GOLEHII HORENA WAY GAASIREEN,GODOBNA SII QAATE,


GO’AAN ADAG ABUURO DHAMAAN,TAAGA GANTIINA,


GUDOONKUNA CODKUU BIXINAYA,GARANGAR WAAGEERA,


GUURTIDANA LIFAAQ UGU DAROO,FULINTA GAADHSIIYA,


GOBANIMO INTAASAY JIRTAA,GUULUU QARAN GAADHO,


SHANTA GOBOLE SOMAALIDU,XEERKU WADA GAADHI,


GEESIYAAL KU DHIIRADA NOQDO,GAADHA HADAFKODA,


GOYAAL SHAALA ODAYAAL SITIYO,GOOYA TALADOODA,


HADDII KALE GALFOOF BAYDIN NOQON,GAABIYO HADHA,


ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...