Kumuuahaa Captain, Allan Gibb?ama (GIIB).

0
Tuesday July 06, 2021 - 09:29:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumuuahaa Captain, Allan Gibb?ama (GIIB).

    Q.2aadBy Cabdiraxmaan Fadli WAAustralia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Q.2aadBy Cabdiraxmaan Fadli WAAustralia

Markalena wuxuu qayb ka noqdey duullaank Erigo markalena wuxuu ka qayb-qaatey dagaalkii Daratoole ee daraashta lagu qaadey.


Intii u shaqada ciidamada ku jirey waxaa lagu abaal-mariyey tiro billado ah oo ay ugu waaweynaayeen kuwa magaciisa lagu lifaaqey sida DSO iyo DCM . Billadahan waxaa uu muteystey muddadii u dhaxaysay 1901ilaa 1920 oo uu ku foogganaa dagaaladii daraawiishta iyo shaqooyinkiishacbigii maxmiyadda hoos imaanayey ee maammulka siiba togdheer iyo burco.



TaariikhdaGiibwaxaa ka mid ah inuu lasoo shaqeeyey ciidankii loo yaqaanney (king’s African Rifles)ama KAR qaybtooda Somaliland ee loo yaqaanney6 KARSomaliland.


Marka lasoo gaadhey ,March 1914ayaa maammulkii ingiriisku go-aansadey in la sameeyo ciidamadii loo yaqaanneyCamel Corps-kawaxaana madax looga dhigeyRichard Corfield, haddaba markan ayaa GIIB laga dhigayku xigeenkaCorfieldoo isagu sababsan doona gacantadaraawiishta.


Dagaalada daraawiishta ee uu ka qayb qaatey waxaa ka mid ahaa dagaalkii ERIGO 1902, markale dagaalkii Daratoole sannadkii 1903 iyo dagaalkii Jidbaale 1904 oo ay u qoran tahay in lagu ammaaney doorkii uu ka qaatey.


Dhammaan arrimahani waxay muujinayaan inuu daraawiishta dagaalkooda ku falnaa, waxaa kaloo taariikhdu xuseysaa markii Wadaadkii daraawiishta loo dhammeynayeyinuu maamulka sare ee ciidamadiiTALEEX qabsadey uu ka mid ahaa.


Waxaa taariikdu xuseysaa in waqtiyadii uu joogay Somaliland uu qayb ka mid ah ahaa (district commissioner of Burao)ama masuulkamagaaladaas iyo deegaanada ku xeeran wax laga weyddiiyo.


2.Maxaa Giib iyo shacbigii togdheer siiba beesha dishey isku qabteen, sideese loo dilay?

Markeynu arrimaha sidan uga hadleynno ee magacyada qabaa-ilkaafka ku dhufaneynnouma jeedno in aynu cid buun-buunninoxaasha,ilaahay ayaanu ka magan-galley in arrimahan caadifad qabiil nagu ijbaarto.


Laakiin waa xaqiiq biyo kama dhibcaan ah oo taariikhaha afka la isugu gudbiyo ee (Odey kasoo gaadh) ahiyo weliba buugaagtii ay qoreen dadkii arrinta waqtigeeda joogey sida qorayaashii reer yurub iyo xataa kuwii carbeed oo somalida iyo qabaailkeeda iyo dhaqankooda aad wax uga qorey oo xataa ilaa maanta laga helayo LIBRAR-yada caalamka in badan oo ka mid ah.


Captain,Allan Gibboo loo aqoon ogyahay GIIBmarkii dawladda ingiriisku meel ku hubsatey dagaalkii ay kula jirtey wadaadkii Ina Cabdille Xasan iyo Daraawiishtiisiiayaa mar kale loo magacaabay shaqadiisii hore ee uu maxmiyadda ugu qaabbilsanaa taasoo ahayd inuu ka shaqeeyo arrimaha shacabka ama (Civil Duties).


Haddaba horraantii 1920 waxaa la siiyey waajibaad ah inuu dadka shacabka ka qaado cashuursi loogu hor mariyoarrimaha bulshada sida iskuullada iyo caafimaadka iwm ( Waa sida ku qoran qoraallada laga soo turjumay maqaalkan).


Cashuurtanboqortooyadii ingiriiska iyo waalligeediiBurcokusoo rogay dadkiiwaa la bilaabeylaakiin may ku farxin dadkii maxmiyadda ingiriiska hoos joogey weliba reer Burco.


Waayo wax fikrad ah kamay haysan in xoolahooda iyo hantidooda takhsiir la saaro oo dad kaleqaataan. Maanta qof kasta oo nool qarniga 21aad wuu fahmayaa in cashuurtu ay tahay wax faa,iido u leh shacabka oo dantooda lagaga shaqeeyo laakiin dadkii waqtigaa noolaa ee reer burco wey ku adkaatey arrintaasi iney fahmaan.


La soco qaybta 3aad ……………

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...