Siyaasi Naasir Cali Shirre Oo Ka Hadlay Loollanka Loogu Jiro Guddoonka Golaha Wakiillada

0
Tuesday July 06, 2021 - 08:00:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Naasir Cali Shirre Oo Ka Hadlay Loollanka Loogu Jiro Guddoonka Golaha Wakiillada

    Siyaasi Naasir Cali Shirre Oo Ka Hadlay Loollanka Loogu Jiro Guddoonka Golaha Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Naasir Cali Shirre Oo Ka Hadlay Loollanka Loogu Jiro Guddoonka Golaha Wakiillada


Hargeisa(HWN):-Siyaasi Naasir Cali Shirre oo ka mid ahaa Xildhibaannadii hore ee golaha Wakiillada ayaa ka hadlay loollanka loogu jiro Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland, waxaannu sheegay inaanu shaqsiyan isagu Cabdirisaaq Khaliif ku habboonayn guddoonka Wakiillada.


Siyaasigan Naasir Cali Shirre ayaa Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI u soo jeeddiyay inaanay faro-gelin Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada, kuwaasoo uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu xorriyadii ka qaadday oo uu meel ku xarraystay.
Waxaan Baajiyay Safarkaygii Kismaayo” Xil. Naasir Cali Shire – Sagal News

"Imika goleyaashii deegaannada waa la dhammaystiray, waxa hadhay waa golaha Wakiillada. Golaha Wakiillada waxa hakiyay Xildhibaanno cabasho u gudbiyay Maxkamadda sarre, kuwaasinna muddo kooban ayay ku soo dhammaanaysaa, laakiin Kursiga ugu wayn ee loo socdaa waa Shirguddoonka golaha Wakiillada, markaa anigu waxaan qabaa in Ninka ugu wayn oo runtiinna Somaliland halgamaa ka ah oo in badan ka soo shaqeeyay waa nin Xilal Wasiirnimo ka soo noqday.

Anigu waxaan qabaa Ninka u qalma innuu booskaas buuxiyo waa Faratoon,haddaad tidhaayo waayo, anigu waxaan qabaa Ninka la tartamayaa waa Cabdirisaaq Khaliif oo ku dhaliilaayo talaabaddii uu qaaday markii uu Xukuumaddii Siilaanyo Wasiirka ka ahaa. Ninka Xukuumaddii uu Wasiirka ka ahaa oo Inan la mid ahi ku yidhi Is-casil ee doonnaayay in Qaranka Somaliland uu afka dhulka ku dhufto, makaasaan ku aaminayaa golaha Wakiillada, markaa anigu waxaan qabaa Ninkaas golaha Wakiillada laguma aamini karo, golahaas waxaan ku aamini karraa Faratoon.

Kol haddii Xildhibaanka la doorto oo uu golaha soo fadhiisto codkiisa xor ayuu u yahay, waxaannan qabaa in Xildhibaannada loo daayo inay codkoodda xor u ahaaddaan, maan arag Xildhibaano inta la kaxeeyo siddii Maxaabiista xero lagu xarreeyo oo la yidhaahdo ma bixi kartaan, manna dhaqaaqi kartaan, waa ceeb weeye, Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay waxaas ka waantooba."

Loading...
Loading...