Siyaasi Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Halabuurka Iyo Xukuumadda Dhaliilo U Soo Jeeddiyay

0
Monday July 05, 2021 - 18:04:28 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Halabuurka Iyo Xukuumadda Dhaliilo U Soo Jeeddiyay

    Siyaasi Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Halabuurka Iyo Xukuumadda Dhaliilo U Soo Jeeddiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Halabuurka Iyo Xukuumadda Dhaliilo U Soo Jeeddiyay


Hargeisa(HWN):-Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ahaa Xildhibaannadii hore ee golaha Wakiillada Somaliland ee uu wakhtigoodii dhammaaday, ayaa waxa uu si adag uga hadlay hadal maalintii shalay ka soo baxay Abwaannada Yuusuf Shaacir iyo Axmed Saleebaan Bidde.


Labaddan Abwaan ayaa dhaliilo xoogan u jeeddiyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi, waxaannu sheegay inaan xilligan loo baahnayn hadalka soo baxay labadan Halabuur ee reer Somaliland.
Xisbiyadu waxay Noqdeen Nafaqada Lagu Waraabiyo Qabyaalada” – Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa | Waaberi News

Sidoo kale, Siyaasiga Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu ka hadlay Dhalinyarro maalmihii u danbeeyay la hadal hayay oo sawirro iyo muuqaalo isaga soo qaadday iyagoo ku lebbisan Calanka Soomaaliya.

"Abwaannada iyo Nimankaas suugaanyahanka ah waa Niman qaddiyada Somaliland wax badan ka ogaa, waa Nimankii bulshaddaba kiciyay intaan SNM-ba xoogaysan oo markii midowgii soomaaliya la gaadhay dadkii dadka kiciyay ee tilmaamaayay in Xaqooddii la dhacay ayay ahaayeen, waxay ahaayeen dadkii dadka lahaa ka kaca oo dirira ee maanta kala go'aa Somaliland iyo Soomaaliya ciddii ugu horraysay ee bilowday Abwaannada ayay ahaayeen, oo Gabay iyo Geerraar-ba ummadda ku kicinaysay Abwaannada ayay ahaayeen.

Maanta iyaddoo ay Somaliland go'aankooddii ku meel-martay oo ku dagaalantay, oo halgan hubaysan ku gashay oo loo Dhintay, oo loo qaxay oo loo baaba'ay oo Hanti maal iyo moodba leh loo beelay, haddana inay maanta si dhib yar innoo yidhaahdaan Abwaanno ayaanu nahayoo Wasiir baa i magacaabaaya anigoo Hargeysa iska jooga oo siyaasad kama shaqaynayno ee waxayagu waa toosinta Af-soomaaliga uun, waxaan leeyahay ummadda ma qabato. Ummaddan wixii kiciyay waxa uu ahaa Abwaan iyo Suugaanyahan dadkii qaddiyada ummadda geliyay-na iyaga ayay ahaayeen, markaa waxaan leeyahay maanta markii meel la gaadhay inaad tidhaahdaan waxyaabo kale ayaanu dib u unkaynaa ummadda ma qabato ee ka Xishoodda, markaa Abwaannadu dib ha isugu noqdaan oo ummadda haka daayaan Ciyaarta.

Xukuumaddana waxaan u sheegayaa wixii ay ahayd inay bulshadda ka wacyi-geliso oo iyaddu ay bulshadda u sheegto haddii uu Abwaankii uga dheerreeyo oo isagu uu ummaddii wax u sheego, waxaan leeyahay waa gaabbis ay Xukuumaddu leedahay, markaa Xukuumadda waxaan leeyahay shaqaddiina qabsadda. Ninka soomaaliya tagay ee shaqo tagay ama hadduu doono aaminsan waa nin kaa tagay, laakiin kan ku dhex jooga ee haddana waxaas ka sheekaynayaa ee aad ku eegaysaa Saaddan-banna wuu dareersannaa ummadda, taasinna waxay wax badan ka tari lahayd Dhalinyaraddan aan iyagu wax badan kala socon Somaliland iyo qadiyaddani sida ay ku timid, Calankan buluuga ah markii aynu qaadanay iyo wixii innaga soo maray iyo halka aynu maanta joogno Dhalinyarro badan oo aan wax badan kala socon ayaa wax fahmi lahayd oo garan lahaa qiimaha Calankan tawxiidku ku qoran yahay." Ayuu yidhi Siyaasi Ex-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa

Loading...
Loading...