Somaliland:-Maxkamad 2 Bilood Sharci-darro Ku Haysata 32 Muwaadin

0
Monday July 05, 2021 - 17:00:30 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Maxkamad 2 Bilood Sharci-darro Ku Haysata 32 Muwaadin

    Shaqaalaha Dibed-baxa Cabashada ah sameeyay, ayaa lagu eedeeyay inay Burburiyeen Qaar ka mid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha Dibed-baxa Cabashada ah sameeyay, ayaa lagu eedeeyay inay Burburiyeen Qaar ka mid ah



Hargeisa(HWN):-32 Muwaadiniin reer Somaliland ah, ayaa muddo laba Bilood ah ku Xidhan Magaalada Hargeysa, kadib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen Mudaharaad ay kaga cabanayeen Shirkad soo saarta Sharaabka oo la yidhaahdo U-FRESH, taasi oo Xarun ku leh Magaalada Hargeysa.



Shaqaalaha Dibed-baxa Cabashada ah sameeyay, ayaa lagu eedeeyay inay Burburiyeen Qaar ka mid ah gaadiidka Shirkadda U-FRESH ee ay u shaqaynayeen, waxaanna loo Taxaabay Xabsiga, kadib markii ay Shirkaddu soo Dacwaysey.


Shaqaalaha oo Tiradoodu dhan tahay 32 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, ayaa Mudaharaadkoodu salka ku hayey inaanay isku dhigmin Mushaharka ay shirkaddu siiso oo Toddobaadkiiba ahaa $ 37 dollar oo keliya iyo shaqadda oo aad u badan.

Balse, Shirkadda U-FRESH ee khasaaraha ka cabatay, ayaa ogolaatay in Shaqaalihii u xidhnaa loo soo celiyo Xorriyaddooda, kadib markii Ehelka iyo Waalidiinta Dadka xidhani bixiyeen wixii shirkaddu ku qiimaysay khasaaraha soo gaadhay gaadiidkeeda, waxayna Shirkaddu Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo haysay kiiskan ku war-gelisay inay la laabatay Dacwaddeedii, sidaasi darteedna la sii daayo Shaqaalaha xidhan.

Nasiib-darro’se, waxa illaa hadda xidhan 32-ka shaqaalaha ah ee Shirkaddii ka cabatay fasaxday, arrintaasi oo aan illaa hadda la garaneyn waxa Maxkamaddu u cuskanayso, maaddaama oo ay Toddobaad walba Waaranka sii hayntooda cusboonaysiiso.

Sidaasi darteed, waxa muhiim ah in Guddoomiyaha Maxkamadda sare Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda ee Qaranka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabilsan ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ahi inay si deg-deg ah u soo faro-geliyaan isla-markaana wax laga qabto xadhiggan Sharci-darrada ah, iyadoona arrintan wax laga waydiiyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, si ay Caddaalad u helaan Muwaadiniinta muddada 2-da bilood ah sababta la’aanta ugu xidhan Hargeysa.

Shirkadda U-FRESH ayaa waxa leh Ganacsato u dhashay Dalka Shiinaha iyo xubno reer Somaliland ah.

Loading...
Loading...