Maxkamadda Sare Oo Aan Wali Ku Dhawaaqin Natiijadii Kama Dambaysta Ahayd Ee Doorashada Wakiillada

0
Monday July 05, 2021 - 15:53:19 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Sare Oo Aan Wali Ku Dhawaaqin Natiijadii Kama Dambaysta Ahayd Ee Doorashada Wakiillada

    Maxkamadda Sare Oo Aan Wali Ku Dhawaaqin Natiijadii Kama Dambaysta Ahayd Ee Doorashada Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Sare Oo Aan Wali Ku Dhawaaqin Natiijadii Kama Dambaysta Ahayd Ee Doorashada Wakiillada


Hargeisa(HWN):-Muddo Bil Ah ayaa ka soo wareegtay Durba maalintii Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka isku sidkanaa ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex oo ahaa Gobolkii wakhtigaasi ugu dambeeyey ee ay Komishanku ku dhawaaqaan iyada oo Degmooyinka kale ee dalku ka horreeyeen.


5-tii Bishii June ee aan ka soo gudubnay goor saq-dhexe ah ayay Komishanku ku dhawaaqeen Natiijada Gobolka Maroodi-jeex taasi oo wakhtiga ka dhigaysa in ka badan muddo bil ah in illaa maanta ay xildhibaannada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilladu ku soo baxeen Natiijada Hordhaca ah oo aan wali natiijo kama dambays ah laga hayn Maxkamadda Sare.
Wararka Maanta: Arbaco, Jun 23, 2021-Maxkamada sarre ee Somaliland oo ka hadashay dacwado ay usoo gudbiyeen musharixintii dhacay

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku guda jirtay dhagaysiga dacwado dhawr kiis ah oo la xidhiidha doorashooyinka ayaan wali ku soo gabogabayn xukunkii ay dacwadahaasi ka soo saari lahayd si ay ugu dhawaaqdo ugu dambayn natiijada kama dambaysta ah kadibna loo dhaariyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada. 6 maalmood ka hora yay maxkamaddu sheegtay in ay soo gabo gabaysay dhegaysiga dacwadaha la hor keenay.

Xaaladda habsanka ah ee Maxkamadda Sare ee Somaliland aanay wali ku dhawaaqin natiijada iyo dadaallada hoose ee xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ugu jiraan kaambaynka ay ku soo jiidanayaan xildhibaannada u soo baxay xisbiyada Mucaaridka ah si ay ugu guulaysato doorashada shir guddoonka ayay xisbiyada Mucaaridka ahi walaac ka qabaan iyaga oo ku doodaya in mar kasta oo maxkamaddu la daahdo ku dhawaaqista natiijada kama dambaysta ah ay taa baddalkeeda faa’iido weyni ugu jirto xukuumadda iyo xisbul xaakimka oo muddooyinkii ugu dambeeyey dadaalkooda oo dhan isugu gaynayay sidii ay u xodxodan lahaayeen xildhibaannada xisbiyada Mucaaridka ah.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola xaaladda kaambaynka ah ee xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen tiro ku filan oo ay doorashada Shirguddoonka ugu guulaystaan ayaa waxa ay sheegayaan in maalmihii ugu dambeeyey xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu guluf culus ku qaadeen xildhibaanno tiro ah oo ka tirsan xisbiyada Mucaaridka ah ee is-bahaysiga ku galay in ay shirguddoonka ku qaataan taasi oo xogaha qaar sheegayaan in dadaallada KULMIYE midho dhal ugu dhaw yahay inkasta oo aan la xaqiijin tirada illaa imika ay soo urursadeen ee ay ku han weyn yihiin in ay codka dhinacooda siin doonaan marka la gaadho doorashada shirguddoonka wakiillada.

Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ayaa waxa ay ku dadaalayaan sidii ay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ugu fadhiisin lahaayeen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo isagu KULMIYE uga soo baxay Gobolka Sool, halka ay xisbiyada Mucaaridka ah ee is-bahaysiga ahi ku rabaan in ay kuraasta shir-guddoonka ku fadhiisiyaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed (WADDANI), Cumar Jaamac Faarax (UCID) iyo Cali Xamud Jibriil (UCID).

Loading...
Loading...