Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Xaaladda Mayd 3 Bilood Yaalla Cisbitaalka Burco Iyo Sababta Keentay

0
Monday July 05, 2021 - 11:45:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Xaaladda Mayd 3 Bilood Yaalla Cisbitaalka Burco Iyo Sababta Keentay

    "Waad ogtahay oo dadku marka hore haddii aad amar ku rido cunfiga ayaa bata, "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waad ogtahay oo dadku marka hore haddii aad amar ku rido cunfiga ayaa bata, "

Burco -(HWN)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa ka hadlay mayd muddo saddex bilood ah yaalla Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco,waxa uu sheegay in Dawladda iyo eheladii marxuumkaa ay xal ka gadheen arrintaas,isla markaana la aasayo Maydkaa.




Marxuum Ayaanle Saleebaan Xasan oo ahaa askari ka tirsan ciidanka booliska somaliland oo ku dhex geeriyooday jeelka wayn ee Magalada Burco,ayaa muddo saddex bilood ah uu maydkiisu wali ku jiraa talaagada maydka cisbitaalka wayn ee Burco.


Wasiirka arrimaha gudaha somaliland maxamed kaahin oo warqad uu soo qoray oo ah in maydka la aaso ,isla markaana ay Dawladu bixinayso diyadiisa ayaa soo gaadhay maamulka gobolka siduu sheegay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd.


Dhan kalena Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo ka hadlaya arrintaas ayaa sheegay sidan:-"Arrinkaas waanu soo geba-gebaynay waxa aan u mahad naqayaa wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed oo qoraal soo sameeyey in la aaso maydka oo wixii hawl ah ee uu leeyahayna ay Xukuumaddu xambaarato,waxa aano qoray annaguna warqadi lagu aasi lahaa.”


Waxa uu intaas ku daray "Waad ogtahay oo dadku marka hore haddii aad amar ku rido cunfiga ayaa bata, waxa aanu nidhi bal inta dadku degayo cadhadii haku sii badinina u sii daaya sida ay jecel yihiin,waan u sii daynay iminka Wasiirka arrimaha gudduhu meel wanaagsan ayuu ka go’aan qaatay waanu aasaynaa berritana aasidiisa ayaanu ka wadda qayb-gelaynaa.” Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Diiriye Xayd oo arrintan layaabka leh ka hadlayay.


Shacabka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa in muddo ahba waxa ay is waydiinayeen bal halka ay ku dambayn doonto xaaladda qofkan madka ah ee muddoda intaasi le’eg ku jiray tallaagadda qolka Maydka ee Cisbitaalka guud ee magaalada Burco taasi oo ah arrinta ugu dambayn uu Badhasaabka Gobolku sheegay in xal laga gaadhay Maydkaasi ee muddoda saddexda bilood ah ku jiray tallaagadda lagu kaydiyo maydka..

Loading...
Loading...