Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladdaha Ay Ku Sugan Yihiin Wasaaradaha Wadooyinka, Caafimaadka Iyo Hay'adda Duulista

0
Monday July 05, 2021 - 10:30:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladdaha Ay Ku Sugan Yihiin Wasaaradaha Wadooyinka, Caafimaadka Iyo Hay'adda Duulista

    Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladdaha Ay Ku Sugan Yihiin Wasaaradaha Wadooyinka, Caafimaadka Iyo Hay'adda Duulista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladdaha Ay Ku Sugan Yihiin Wasaaradaha Wadooyinka, Caafimaadka Iyo Hay'adda Duulista

Hargeisa(HWN):-Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigii shalay waxay kaga doodeen xaaladaha ay ku sugan yihiin Qaar ka mid ah Hay’addaha dalka iyo arimo door ah oo maalmihii u dambeeyay dalka ka dhacay sida gabadhii yarayd ee gurigooda laga xaday, dadka jaaniibta ah ee macdanta sharcidarada ku gurta oo ku soo badanaya Dalka iyo xadhkaha shirkaddaha laydh ee sida foosha xun u daadsan Suuqyada Hargeysa ee Halista badan.



Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka dayriyay xalaadaha ay ku sugan yihiin wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Jidadka iyo Hay’adda Duulista oo uu sheegay in xiitaa Hawaddii ay maamulaysay ay la wareegtay Soomaaliya, Waxa uu soo jeediyay in Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka loo yeedho oo wax laga waydiiya lacag 45-dollar ah oo uu sheegay inay isaga uun ku kooban tahay oo uu iska maamusho, taasi oo laga qaado qof kasta oo dibada u dhoofaya.

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Warqaddan yar ee lagu dhoofo ee COVID-19-ka ee dadka dhoofaya la siiyo marka la baadho, waxa laga qaadaa lacag baddan oo lagu sheegay illaa 45-doolar, taasi oo laga qaado qof kasta oo dhoofaya , wali la inagama qancin, sababta lacagta intaasi leeg loo qaado, Agaasime Xergeeye ayay arintaasi ku kooban tahay oo bal inaan wax ka ogaano ayaa inoo muhiim ah, oo isagu ka jawaabo”.

Waxa kale oo uu yidhi "Hadaan u soo galo wasaaradda Wadooyinka, wasaaradda Wadooyinku waa wasaaradda ugu liidata wasaaradaha, anigu baryahan ma arag wax wanaagsan oo ay qabato, wadadaasi la wado ee Berbera laga soo bilaabayna waxaa inoo samaysay Shirkadda Dp-World”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi "Wasaaradda Gaadiidka waxaa ku dhex jirta Duulista, oo Hawaddiina waxaaba la wareegtay Muqdisho, Dawladda Soomaaliya”.

Xildhibaan Indho Indho ayaa isna waxa uu fariin u diray Wasaaradda Macdanta iyo tamarta, isagoo u soo jeediyay inay wax ka qabtaan dadka ajaaniibta ah ee ku soo badanaya dalka ee Macdanta shar-cidarada dooxyada dalka kaga gurta

"Wasaaradda Macdanta waxaan leeyahay waxa indho-yar magaalada yaacaysa waad aragteen, mid aan bir sidanin ma jiro, Dooxyadii ayay marayaan, biro ayay sitaan, meel walba way marayaan, cid liisan siinaysaa ma jirto, wadanka khayraadkiisa ayay macdantu ka mid tahay, hadaynaan macdanteena ilaashanayn, mid waliba inta uu inoo soo galo ayuu guran, qaarbaa suuqa badhtankiisa fadhiga, halkan sariflayaasha agtooda, markaa waxay u baahan tahay dadkaasi ajinabiga ah ee macdanta guranaya ee la dhoofaya illayn halkan ku iibin maayaan eh, taana in xukun adag laga soo saaro”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Indho Indho.


Loading...
Loading...