Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama (GIIB)

0
Monday July 05, 2021 - 09:14:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama (GIIB)

    (Qaybta 1aad)By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Qaybta 1aad)By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia.

Waxaa isoo jiidatey sheekada xiisaha leh ee uu magaalada burco ka sheegay odaySugulle Cabdi Yoomewiiggii u dfanbeeyey bisha June 2021.


Oday Sugulle, wuxuu sheegay in geela ku dhaqan waddanka Australia uu kasoo tafiirmey geel boqortooyadii ingiriisku eeBritishProtectrate taasoo Somaliland ka talin jirtey qarnigii 19aad qayb iyo qayb kaloo ah qarnigii labaatanaad ay magdhaw ahaan uga qaaddey reer soomaaliyeed oo dega waqooyiga somaliya iyo xataa Ethiopiaba oo loo yaqaan Habaryoonis ka dib markey dileen sarkaal ka mid ahaa masuuliyiintii burco ee ka socotey boqortooyada ingiriiska kaasoo loo yaqaanneyCaptain, Allan Gibb laakiin loo aqoon ogaaGIIB.



Haddaba, anigoo waqti xaadarkan deggan waddankaas Oday Sugulle geela reerka ka maqan ku sheegay isla markaas sheekada dhexmartey Mr Giib iyo reerka qoraallo hore ka ururiyey ayaan dooney in wax aan ka idhaahdo, oo waxaan hayey badka keeno.


Sheekada saddex qaybood oo waaweyn ayaan u kala saaraynnaa insha-allaah

1.Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama (Giib)?.


2.Maxaa Beesha HY iyo Giib isku qabteen, sideese loo dilay?


3. Geela Australia jooga iyo taariikhda ilaa hadda loo hayo waa maxay?


1. Sida uu qorey ( Rolland A Hill, MBE). Maqaalka uu u bixiyey (ATribute to Captain A Gibb DSO, DCM) meesha loo yaqaan Parish of Gorstorphine oo ka tirsan Edinburgh oo ah Ireland taariikhdu markey ahayd 28 December, 1887.


Magaca aabbihii wuxuu ahaa Butler markaasna waa Captain Gibb Butler. Wuxuu waqti ku abbaaran 1898-dii si xirfad-barasho ama shaqo tababar oo mushar kooban lagu qaato ugu shaqeeyey shirkad hubka sameysa oo ku taalley Edinburgh.


Sannadkii 1900 ayuu go,aansadey inuu xirfaddiisa ka dhigto shaqada Ciidamada wuxuuna iska diiwaan-geliyey xarun loo yaqaanneyArmy Ordnance Corps. Haddaba waxaa dhacdey inuu yimaaddo Somaliland Protectorate Bishii April sannadkii 1901 isagoo markaa hawshiisu tahay Sergeant Armourer Instructor ama sarkaal derejo hoose oo gaadiidka ciidamada hawshooda iyo hubka dayactirkooda qaabbilsan.


Innagoo guudmareynna taariikhdiisa, wuxuu ka qayb qaatey duullaank 1aad ee lagu qaado daraawiishta 1901 ee uu hoggaaminayeyColonel, Swayne isagoo xirfaddiisa ku shaqeynaya ah Segeant Armourer ama dayactirka qalabka ciidanka iyo gaadiidkooda. La soco
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...