Cali Guray Oo Sheegay In Akadamiga Af Somaliga Ee Ay Magacawday Somaliya Aanu Shaqaynayn + Sababta

0
Monday July 05, 2021 - 08:38:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray Oo Sheegay In Akadamiga Af Somaliga Ee Ay Magacawday Somaliya Aanu Shaqaynayn + Sababta

    Taasi anigu in laga fiican yahay baan u arkaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taasi anigu in laga fiican yahay baan u arkaa.

Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray oo ka hadlayay gudi xukuumada Somaliya umgacawday Af-somaliga ayaa sheegay in gudidaasi aanay noqonayn gudi kawada dhaxaysa dadka Af-somaliga ku hadla, maadaama ayuu yidhi aan lagala tashan dawlada deegaanka Somalida iyo Itoobiya iyo Somaliland.



Cali Guray oo baahiyay qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo ayaa yidhi sidan:-

Akadamiga Afka Soomaaliga ee ay gaarkeeda u samaysatay Dawladda Somalia maaha mid ay ku wada qasban yihiin inta ku hadasha Af Soomaaliga oo dhami. Waa loo baahan yahay in uu jiro Akadamiga Afka Soomaligu oo wuxu muhiim u yahay ilaalintiisa, qoraalkiisa, iyo weliba horumarintiisa balse kaasi ma noqon karo kan la sheegayo ee guddidiisa ay magacawday Wasaaraddan HTS ee Somalia gaarkeeda.


Hadii iyadoon aan heshiis lagu ahayn Muqdisho Akadamigeeda gaar u samaysato Soomaalida kale wax u diidaya in iyaguna kuwooda ay gaar u samaystaan ma jirto saw maaha? oo markaa Hargeysa, Jigjiga, Jabuuti iyo weliba Gaarisa ay iyaguna kuwooda gaarka yeeshaan. Markaa sida uu Af Ingiriisigaba loo kala yidhaa, English English, American English, Jamaican English iwm in Afka Soomaaliguna uu noqdo maaha? Taasi anigu in laga fiican yahay baan u arkaa.


Hadii Af Soomaaliga loo danaynayo Hargeysa ama Jigjiga ayaa ugu mudan in mid xaruntiisa dhexe ay noqoto waayo xuddunta Af Somaaligu waa Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland. Gudida Af Soomaaliga ee aan labadaa wax laga waydiin maba noqon karto guddi la odhan karo Guddida Afka Soomaaliga.

Loading...
Loading...