Waa kuma Janaraal Xuud-ka Dagaalka Ka Wada Beledweyne?

0
Monday July 05, 2021 - 08:25:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Janaraal Xuud-ka Dagaalka Ka Wada Beledweyne?

    "Lama galaay kama soo bixi jirin, xabsi kor ka furan ayay noogu jireen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Lama galaay kama soo bixi jirin, xabsi kor ka furan ayay noogu jireen"

Waxaa xaley magaalada Beledweyne ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo miliishiyo u horkacayay Janaraal Abuukar Xuud.



Dad kala duwan oo ku sugan Beledweyne ayaa BBC u sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dagaalka inkasta oo aanan si rasmi ah oo loo ogeyn khasaaraha ka dhashay, balse janaraal Xuud ayaa sheegay inuu jira dhaawac dhinacooda ah.


Janaraal Xuud ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay kaddib markii dhowr iyo toban wasiir oo yimid Beledweyne ay doonayeen inay shir ku qabtaan magaalada, isagoo sheegay "inay isku ogaayeen inaysan soo gelin magaalada".


Wuxuu sheegay inay sii ogaayeen in madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo xubno kale ay horay ugu sugnaayeen magaalada.


"Lama galaay kama soo bixi jirin, xabsi kor ka furan ayay noogu jireen, wax dhaqaaq ah ma lahayn," ayuu yiri.


Janaraal Xuud ayaa sheegay in dhankooda ay dagaalka kaga dhaawacmeen labo askari.

Ma jira wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Hirshaballe. Waxaan sameynay isku day in aan la xiriirna, balse inooma suuragelin.


Haddaba waa kuma Janaraal Xuud?

Wax badan lagama ogeyn janaraalka, ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu hormud u yahay kooxdan. Wuxuu soo caan baxay sanadkii la soo dhaafay markii uu sheegay in hoggaaminaya kacadoonka ka dhanka ah maamulka cusub ee Hirshabelle.


Wuxuu horay u ahaa janaraal ka tirsan milatariga Soomaaliya xilligii dowladda Maxamed Siyaad Barre.


Wuxuu ka soo qeybgalay dagaalkii u dhaxeeyay Somaaliya iyo Itoobiya ee dhacay todobaatameeyadii.


Sida uu sheegay, wuxuu soo noqday abaanduulihii ciidanka ururka 13aad ee Magaalada Jigjiga, taliyihii guutada 22-aad ee Magaalada Gibileey, Taliyihii dugsiga Mandheera, taliyihii gaaska 5-aad Laascaanood.


Waxa la sheegayaa inuu la taliye dhinaca ammaanka u ahaa dolwadii Sheekh Shariif Sheekh Axmed eek u meel gaarka ahayd.


ka dib burburkii wuxuu in badan ku soo qaatay dibadda.


Wuxuu sheegay in uusan aqoonsaneyn maamulka Hirshabeelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe, isagoo u arka in laga sadbursaday beesha uu ka soo jeeda ee dagta gobolka Hiiraan. Wuxuu horkacaya ciidamo abaabulan oo hubeysan oo ku sugan duleedka Beledweyne. Wuxuu isu arkaa inuu yahay qof u dirirayo xuquuqda shacabka Hiiraan.


Wasiirada Baledweyne gaaray

Labadii malamood ee la soo dhaafay waxaa tagay magaalada xubno ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle, xubna ka tisan baarlamaanka Hirshabelle. Waxaa horay halkaasi u sii joogay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yusuf Axmed Dabageed.


Golaha wasiirada Hirshabelle yaa lagu waday inay maanta markii ugu horreysay kulan ku yeeshaan magaalada Baledweyne taasoo ka careysiisay meleshiyaadka uu hoggaamiya Janaraal Xuud.


Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii magaalada Beledweyne ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Hirshabeelle.


Khilaafkan ayaa salka ku haya dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay dadka sheegayaan in aanay ku qanacsaneyn qaabka awoodda loo qeybsaday.


Waxaa socda dadaallo xooggan oo lagu xallinayo khilaafkan, waxaa horraan Beledweyne u gaaray mas'uuliyiin ka socday dowladda federaalka oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha si loo dhageysto tabashada dadweynaha iyo dhinacyada kala duwan si loo soo afjaro xiisadda.


BBC


Loading...
Loading...