Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Todobaadkii Xoriyada Iyo Gabadh Calanka Ku Labistay Oo Markii 3aad Boorama Lagu Xidhay.

0
Sunday July 04, 2021 - 10:50:11 in News by
  • Visits: 2194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Todobaadkii Xoriyada Iyo Gabadh Calanka Ku Labistay Oo Markii 3aad Boorama Lagu Xidhay.

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Todobaadkii Xoriyada Iyo Gabadh Calanka Ku Labistay Oo Markii 3aad Boorama Lagu Xidhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Todobaadkii Xoriyada Iyo Gabadh Calanka Ku Labistay Oo Markii 3aad Boorama Lagu Xidhay.


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay jawiga uu ku soo dhamaaday todobaadkii xoriyadu.

May be an image of 1 person


Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuubakar Dubbe ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay jawiga ay ku soo dhamaadeen xusaskii la qabtay todobaadkii xoriyada Soomaalida, isaga oo si gaar ah uga waramay gabadh ku nool magaalada Boorama oo markii sadexaad xabsi loo galiyey calanka Soomaaliya oo ay ku labisatay.


Wasiir Dubbe ayaa qoraalka uu soo saaray u dhignaa sidan:-

Waxa inoo soo dhammaaday todobaadkii xoriyadda, maanta ayaana shaqooyinkii lagu soo laabtay, waxan rabaa in aan u mahad-celiyo guud ahaa Shacabka Soomaaliyeed oo muujiyey jacaylka waddankooda iyo calankooda. Sidoo kale waxa aan u mahad-celinayaa madaxda Qaranka oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo Raisal Waaaaraha oo dhiirri gelin nala daba taagnaa mar kasta.

Waxan mahad gaar ah u celinayaa guddidii qaban-qaabada iyo guddi hoosaadyadii nagala shaqeeyey maalmaha xoriyadda oo aan la’aantood wax fiicani qabsoomeen.

Ugu dambayn waxan rabaa in aan halkan ku xuso laba qof oo mudan in la xuso:

Waa; Degan Miiraash iyo Maslax Maxamed Cabdi. Deggan Miiraash oo Reer Boorama ah markii 3aad ayay todobaadkan xabsi u gashay weynaynta calanka ummadda Soomaaliyeed aawadiis. Sidoo kale Maslax oo Reer Muqdisho ah wuxu naftiisa u hibeeyey in uu soo dejiyo Calanka oo si qalloocan loogu xidhay taalada Dhagaxtuur, 26kii June wuxu fuulay bir dhererkeedu yahay 30mitir oo leeg taalada Dhagaxtuur kaddib markii la waayey wiish soo dejiya. Waanu ku guuleystay.

Calankeenu wuxu summad u yahay 33ka malyuun ee Soomaaliyeed ee ku nool Geeskan Afrika. Mar kale hambalyo shacabkaygiiyow, ilaahay sanadkan sannadkiisa ha inagu gaadhsiiyo nabad, midnimo iyo barwaaqo.


Loading...
Loading...