Dowladda Maraykanka oo shaacisay in ciidamo Soomaaliya u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen dalka Ethiopia
Ciidamo Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ayaa gudaha u galay dalka Itoobiya, sida uu sheegay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka.
Robert F. Godec, ayaa hadalkaan sheegay kadib markii Ilhaan
Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ay weydiisay waxa ka jira ku
lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen
dagaalka Tigray.
"Waxaan rumeys nahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar
ugu dirtay Eritrea kadib heshiis dhexmaray labada dowladood” ayuu yiri Robert
F. Godec.
Warbixin dhowaan ka soo baxday Hay'adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada
Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku
qaadanayay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalka waqooyiga Itoobiya.
Dowladda Soomaliya ayaa bishii January beenisay in ciidamo Soomaali ah oo
tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray.
Sidoo kale, dhawaan maamul goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay dhalinyaro
lagu sheegay in ay ahaayeem kuwii loo qaaday dalka Eritrea ee kasoo baxsaday
xeryaha lagu tababarayay, kadib markii ay sheegeen in ay dhibaato kala kulmeen
ciidamada Eritrea.