Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Calanka Buluuga Ah Dartii Loogu Xidhay Somaliland

0
Sunday July 04, 2021 - 09:22:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Calanka Buluuga Ah Dartii Loogu Xidhay Somaliland

    Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Calanka Buluuga Ah Dartii Loogu Xidhay Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Calanka Buluuga Ah Dartii Loogu Xidhay Somaliland

Hargaysa (HWN) Wasiirka Warfaafinta Somaliya Cismaan Dubbe ayaa ka hadlay qaabkii ay udhacday xuska sanad Guurada 1Luliyo.


Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale ka hadlay haweenay reer Boorama ah oo xukuumada Muuse Biixi xidhay kadib markii ay calanka Dawlada Somaliya ku dhex xidhatay magaalada Boorama, cisman Dubbe ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay, oo uqronaa sida:-




"Waxa inoo soo dhammaaday todobaadkii xoriyadda, maanta ayaana shaqooyinkii lagu soo laabtay, waxan rabaa in aan u mahad-celiyo guud ahaa Shacabka Soomaaliyeed oo muujiyey jacaylka waddankooda iyo calankooda. Sidoo kale waxa aan u mahad-celinayaa madaxda Qaranka oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo Raisal Waaaaraha oo dhiirri gelin nala daba taagnaa mar kasta.


Waxan mahad gaar ah u celinayaa guddidii qaban-qaabada iyo guddi hoosaadyadii nagala shaqeeyey maalmaha xoriyadda oo aan la’aantood wax fiicani qabsoomeen.


Ugu dambayn waxan rabaa in aan halkan ku xuso laba qof oo mudan in la xuso:


Waa; Degan Miiraash iyo Maslax Maxamed Cabdi. Deggan Miiraash oo Reer Boorama ah markii 3aad ayay todobaadkan xabsi u gashay weynaynta calanka ummadda Soomaaliyeed aawadiis. Sidoo kale Maslax wuxu naftiisa u hibeeyey in uu soo dejiyo Calanka oo si qalloocan loogu xidhay taalada Dhagaxtuur, 26kii June wuxu fuulay bir dhererkeedu yahay 30mitir oo leeg taalada Dhagaxtuur kaddib markii la waayey wiish soo dejiya. Waanu ku guuleystay.


Calankeenu wuxu summad u yahay 33ka malyuun ee Soomaaliyeed ee ku nool Geeskan Afrika. Mar kale hambalyo shacabkaygiiyow, ilaahay sanadkan sannadkiisa ha inagu gaadhsiiyo nabad, midnimo iyo barwaaqo.". ayuu wasiir Dube ku sheegay Qoraalkiisa.


Waxa jira hablo tiradoodu gaadhayso 35 hablood, oo xukuumada Muuse Biixi ku xidhay magaalada Gabilay kadib markii hablahaasi lasheegay inay calanka Somaliya ku dhex xidheen Magaalada Boorama.


Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...