Somalida Maxaa Siyaasi Xumuhu Isugu Soofeynayaa Ee Ay Isugu Foogan Yihiin ? !!!

0
Sunday July 04, 2021 - 08:42:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Somalida Maxaa Siyaasi Xumuhu Isugu Soofeynayaa Ee Ay Isugu Foogan Yihiin ? !!!

    Hogaamiye ; Mohamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiye ; Mohamed Dhimbiil

Somalinimadu waa isir iyo abtirsi ee maaha siyaasad iyo dal la kala leeyahay, fahamka iyo caqliga dadka yaanu caayin siyaasi garan waayey wax uu umada ku hugaamiyo , dabadeed doodiisu gondaheena uun keenaya marwalba.



Boqol iyo labaatankii sanadood ee ugu dambeeyey lama hayo soomaali oo degen oo raad iyo taariikh wanaagsan oo horumar iyo nolol ilbaxnimo abuurta ka tagay, waxa ay inoo ahayd dagaalo iyo wax iska dhicin shisheeye iyo sokeeyeba leh , ilaa maanta sidii ayaa la isugu lisayaa dadka.


Qofka hogaamiyaha ahi waa in uu leeyahay hal abuur iyo himilo hogaamineed oo uu wax ku abuuri karo loo aayo, ee maaha in uu noqdo makarafoon waxii ay umadu sameysatay lagu baabiiyo ama la is yidhaahdo ku hadimeeya.


Somaliland, Somalia, Djibouti, Somalida Ethiopia iyo Somalida Kenya intuba waa soomaali hadana waa kala dawlado, qofka qab iyo somalinimo ku jirtaa waa mid ku farxa horumarka walaalkii gaadhay dhibta soo gaadhana ka damqada.


Waxa ay noo tahay naxdin joogto ah inta ay Muqdisho dagaal ,qarax iyo dhibaatooyin dad soomaaliyeed ku dhimanayaan ka jirto oo waanu la damqanaa oo la dareen nahay, walaalahayaga kale ee sadexda ahna sidoo kale ayaanu dhib iyo dheregba ula dareen nahay.


Waxa aan la yaabanahay dadka somaliland oo hore calan iyo dawlad somaliyi wada lahayd loogu laayey oo diyaarado si arxan daran loogu duqeeyey iyada oo ay wali muuqdaan dhibaatadii oo maalin walba ay daadadku soo saaraan xabaalo boqolaal dad ah oo isku xidh-xidhan oo wadar isirkooda loogu diley in maanta dad dheel-dheelayaa dhayal wax isaga yidhaahdaan.


Somaliland siyaasi wanaagsan iyo odey wanaagsan ayaa seeska u yagleelay oo aan dhiiga dadkiisa masaariifsan, gobolka ay ku taallo waa dalka ugu nabadgalyo wanaagsan, ugu dimuqaradisan ee ugu xoriyad badan xaqiiqda marka laga hadlayo.


Siyaasi xumaha dalkiisa nabadeyn kari waayey, dhiiga dadkiisa ee maalinwalba qubanaya joojin kari waayey wuxuu balaga ugu lulayaa dhalinyarada Somaliland saw maaha in ay Somaliland noqoto sida koonfur oo kale oo fawdo iyo dawlad la'aan loo soo raro.

Aduunka soomaalida magacyo iyo naaneyso aan wanaagsanayn ayaa uga baxay oo ay ka mid tahay qaranka fashilmay ( failed state ) hoy argagixiso ( terrorist zone) budhcad badeed ( pirates) iwm oo ay ahayd in laga dhiidhiyo oo la Iska maydho, ee maanta in Somaliland lagu mashquulo may aheyn.

Caalamku wuu tagey inta aynu waxba isku haneyn laanahay, is hambalyeyn laanahay, shalay hadaynu wadajir rabnay maanta inaga oo shan ah ayeynu jiri karnaa is jeclaan karnaa wax badan is tari karnaa ee hogaamiye hal abuur leh hala raadiyo inta siyaasi xume isku keen soofeynayo.


Hogaamiye ; Mohamed Dhimbiil

Xisbiga Dadweynaha Somaliland.

Image




AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...