Gabadhii Ugu Horreeyey Ee Soomaaliya Uga Qayb Galaysa Ciyaaraha Feedhka Ee Olombikada

0
Sunday July 04, 2021 - 08:08:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadhii Ugu Horreeyey Ee Soomaaliya Uga Qayb Galaysa Ciyaaraha Feedhka Ee Olombikada

    "Sheekada Ramla waa mid qeyrul caadi ah oo dhiirigelin leh"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sheekada Ramla waa mid qeyrul caadi ah oo dhiirigelin leh"

Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynayso dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada. Ramla ayaa maanta ku shaacisay barta Twitter-ka inay u soo baxday Ciyaaraha. Waxay noqonaysaa haweeneydii ugu horreysay ee abid si xirfadaysan feerka ugu tartamaysa ciyaaraha Olimbikada iyada oo matalaysa Soomaaliya.




Iyada oo ay ciyaaraha olombikada bilaabanayaan bishan, Soomaaliya ayaa sannadkan haysata ciyaaryahanno ku matalaya Olimbikada. Ramla Ali, ayaa tartanka Olimbikada waxa ku wehlisa Munirah Warsame oo iyadana Soomaaliya ku matalayso qaybta orodka.


Ramla ayaan la safari doonin kooxdeeda, sida ku cad qoraalka ay soo dhigtay Twitter-ka. balse, seygeeda ayaa la joogi doona Guul iyo guul-darraba, ka qaybgalka Ramla ee Ciyaaraha Olombikada ayaa horumar weyn u ah tartanka feerka Soomaaliya.


Waa tuma Ramla Cali

Ramla iyada oo ilmo yar ah ayaa qoyskooda ka qaxeen magaalada Muqdisho horraantii sagaashameeyadii markii dagaalka sokeeye socday. Qoyskooda ayaa dagaalladaa ku waayay walaalkeed oo 12 jir ahaa.


Ramla oo 31 jir waxay sheegtay inay hadafkeedu uu yahay inay noqoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeybgala tartanka olimbikada ee feerka.


Ramla Cali waxay barashada feerka billawday markay dhawr iyo tobon jirka ahayd, hooyadeedna waxay u sheegi jirtay in ujeedadeedu tahay jimicsi ee aanay tartan doonayn.


Ramla Cali ayaa ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii ayaa waxay haatan heshiis la gashay shirkad qaabilsan tartamada feerka oo la yiraahdo Matchroom Boxing.


Ramla aabaheed wuxuu ahaan jiray Imaam, waxayna ka qalin jabisay jaamacad, marna waxay u shaqayn jirtay shirkad sharciyada ka shaqaysa laakiin waxay soo rawaxi jirtay goor dambe oo habeenimo ah. Lix bilood ka dib ayey ku noqotay ciyaartii oo nolosheda si aad ah saamayn ugu yeeshay.


Waa haweenaydii ugu horaysay ee Muslimad ah ee ku guulaysatay tartanka feerka Ingiriiska.


Muddo dheer ayay hamigeeda ka qarineysay qoyskeeda oo waxay ka baqaysay in aysan u ogolaan doonin.


"Waxaa la joogaa xilligii aan sii xoojin lahaa mihnadeyda, waa mid weli taagan riyadeyda ku aadan ka qeybgalka tartanka olimbikada, waxaan ku faraxsanahay in aan bilaabo safarkaas" ayay tiri Ramla.


Eddie Hearn oo kamid ah dadka garabka u ah Ramla wuxuu yiri "Sheekada Ramla waa mid qeyrul caadi ah oo dhiirigelin leh, in heerkan ay soo gaarto waxay soo martay dhibaatooyin badan"


"Ramla waxay ku biirtay shirkadda Matchroom, shirkaddaas oo taageereysa qaar kamid ah dumarka ugu wanaagsan ee u taagan xuquuqda dumarka dunida, waxay joogtaa goobtii ugu habooneyd ay ku gaari karto riyadeeda ah in Soomaaliya ay ku guuleysato tartanka caalamiga ah ee feerka"


Soomaaliya weligeed kama ay qayb galin tartanka feerka ee ciyaaraha Olombigga, laakiin Ramla Cali waxay doonaysaa in ay labadaa arimood ba ka dhabayso.


Haday guul ka soo hoyso iyo haddii kaleba, Ramla waxay rumaysantahay in isku dayga arintaasi uu guul u yahay.


"Mar baa [qof dumar ah] fariin iigu soo dirtay baraha bulshada waxay tiri: Gabadheyda ayaa daawatay waraysi lagaa qaaday kaddib waxay bilowday in ay feerka barato, waana toban jir. War fiican buu ahaa oo waxaan is iri haddii aad sidaas dadka qof dhiiri geliya ugu noqoto waabad guulaysatay" ayay tiri Ramla Cali.


BBC

Loading...
Loading...