Ila Qosol ....... Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday July 03, 2021 - 12:24:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol ....... Cabdullaahi Maxamed Cumar

    W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar
Nabad akhristayaal,

Waa sheeko gaaban oo ka mid ah, sheekooyinkeennii taxanaha ahaa ee la magacbaxay, Ila Qosol.
Nin baa beri jeclaaday gabadh aad u qurux badan oo uu maalin arkay. Isaga oo hadal kooban mooyiye aan haasaawe dhexmarin, ayuu gabadhii u soo geedfadhiistay.



Shaaw gabadhaney, muuqaalkaa dusha maahee; maskaxi uma hoosayso oo waa qof dhiman!
Maalintii loo soo geedfadhiistay, ayaa gabadhii sheedda laga tusay; raggii oo geed duleedka ah fadhiya oo aad haybadda iyo hannaankooda yaabtid!


Waxana gabdho ay ilma-adeer ahaayeen u sheegeen, in raggaasi la tusay ee quruxda badan midkood iyada guursanayo oo iyada geedka loo fadhiyo - aad ayayna ugu faraxday.

Isla maalinimadii ayaa inantii la kala guddoomey, lana meheriyey.


Gabalkii markii uu dhacayna, gabadhii iyo ninkeedii guri dadabgal ah ayaa loo diyaariyey. Fiid horaadkiiba, ninkii dadabgalka ahaa ayaa gurigii iska soo xaadiriyey!


Markii caweysinkii la gaadheyna, illayn waa nin gurigiisii joogee; maryaha ayuu dhigtay.


Markii waagii beryeyna, geedkii iyo raggii ula socdey xaggood ayuu tegey.


Haddaba maalinimadii, ayay gabadhii ay gabadha ilma-adeerka ahayeen ee shalay galabtii soo galbiyey ka hadliyeen oo ay ku yidhaahdeen, " Naa heblaayooy, bal noo warran oo maxaad aragtay!?" Gabadhii miskiinta ahaydna iyada oo daacad warramaysa, ayay ku tidhi, " Raggaa quruxda badan ee geedka fadhiya, haddaad habeenkii arki lahaydeen; umaydaan joogsateen oo habeenkii xishood iyo xarragaba way ka tagaan oo maryahan way tuuraan ee maryaha waxay sitaan; inta ay geedka fadhiyaan!!"


Allahayoow ceebtayada astur oo hanna cadaabin!

Cabdullaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...