Kuma Ayuu Ahaa Busi? Qalinkii. Cabdicasiis Ibraahin Ciise "Daacad"
Waa dabeecadda nolosha inaan wax waliba
sinnayn ama aan laga sinnayn, mood iyo noolba. Kala duwanaantuna waa sunne
Kowni ah oo macne u yeela dhacdooyinka nolosha iyo midda uumiyaha. Malahayga
waa halkii uu iska tusay abwaan Cilmi Ismaaciil Liibaan (Boodhari) kolkii uu
gabaygiisa ku lahaa: "Waxa caynba cayn
looga dhigay hays cajabiyaan e.” isaga oo ka turjumaya dadka muuqooda.
Balse sida muuqoodu u kala duwan yahay ayay fikirka, aqoonta, aragtida,
hal-abuurka iyo kartidaba ay ugu kala geddisan yihiin. Qofba in buu hantiyey,
ha barto ama sed Eebbe haku helo e’.
Waydiinta qormadan aynu cinwaanka uga
dhignay, ma baadhayso uun ciddii ama qofkii uu ahaa ‘Busi’ waxa se ay
uurdooxaysaa qof keliya oo qofaf ah iyo hibooyin tiro beel ahaa oo uu la
godgalay. Haddii dad kala duwan la waydiiyo isla waydiintan, waxaa hubaal ah
inaanay jawaab mid ah inaga wada siinayn qofkii uu ahaa! Oo qofba inuu meel ka
eego ayaa dhacaysa, waana midda aynu ku ogaan doonno inaanu qof keliya ahayn ee
uu qofaf ahaa.
Dadka badankoodu, kolka ay maqlaan
‘Busi’ intii taqaanay naanaystani way xasuusan karaan, balse qof aan aqoon ayay
bari doontaa. Waana qormo aanu ugu baroordiiqayno, marxuumka oo muddo sannad ah
mootan.
Magaciisu wuxu ahaa Maxamed Maxamuud
Cige Jaamac oo lagu naanaysi jirey ‘Busi’. Qof abuur ahaan iyo dhaqan ahaan la
jecelyahay buu ahaa, oo ciddii mar la kulanta aanay isdiidahayn isna hilmaami
jirin. Hibo ahaan, waxqabad ahaan iyo karti ahaanba, wuxu ahaa nin farabadan oo
aan kow iyo laba ku koobnayn. Waa dhab, dadka inta garanaysa marka la waydiiyo:
"Kuma ayuu ahaa Busi?” in ay kaaga sheegi karaan hal xirfad ama laba, qofka u
badiyaa uu kaaga sheego saddex. Wuxu ku caanbaxay Fannaan heesaaya, Jilaa
riwaayadaha metala iyo Mullaxan Kamanka tuma. Inta lagu tilmaamo ee laga yaqaan
baa intan ah, waydiintu se waxay tahay "Busi ma intan uun buu hibo iyo xirfadba
lahaa?” jawaabtu waa "Maya”. Qof inta la oddorisi karaa ma sahlana, laga yaabaa
haddaad is tidhaa qof baro inaanad waxqabadkiisa iyo habdhaqankiisa u dhaafin;
sida aynu u badanahay. Balse xaqiiqdii barashada dadku way ka mug iyo miisaan
weyntahay intaas, waayo, waxaa kala duwan asal ahaan garasho iyo barasho.
Garashadu waa qofka inaad taqaan magaciisa, meesha uu daganyahay, qoyskiisa,
waxa uu barto/bartay, shaqadiisa, saaxiibadii, iwm. Halka barashadu ay ka
ballaadhantay, tahayna inaad qofka ku koobantay balse meelo farabadan ka
tilmaami ogtahay, sida; darsidda hab-dhaqannadiisa, qiyamkiisa, hibooyinkiisa,
waxqabadkiisa, iyo kartidiisa. Sidaa awgeed, inagu waxa aynu ku eegaan doonnaa
barashadiisa, qormadeenuna faallayn iyo tilmaamidba ka bixinaysaa marxuumka.
Hab-dhaqankiiBusi maaha mid lagu soo koobi karo qoraal, waxa lagu yaqaanay oo dhaqan uu u lahaa inuu dadka isku hayo, wuxu lahaa soo dhawayn iyo wejifurnaan, wuxu lahaa xusuus wanaagsan oo ilaa carruurnimadiisii wixii dhacay wuu xifdisanaa, wuxu lahaa xilkasnimo lagu majiiran jiray iyo xal fiican oo aan looga daba’dhufanayn, wuxu dhaqan u lahaa abaalcelin iyo akhlaaq suubban oo uu ku xushmeeyo cid kasta oo wax uga horreysay ama uga weyn. Hab-dhaqan ahaan wuxu ahaa qof uu qof kastaa uga marag kacay inaanay jirin cid lagu doorsadaa, kaalmihii uu lahaana cidi buuxin karin dabadii.
Qiyam ahaan, wuxu ahaa qof inta wanaag yahayba aaminsan oo ku dhaqma. Aragti ahaanna muu ahayn qof ku dhegi jiray wax inta badan dadku kaga duwanaadeen ee lagaga saxsanaaday. Balse wuxu ahaa qof soo bandhiga wuxu aaminsan yahay iyo sida uu hadba arrin la yahay. Taas oo ay garan karaan cid wal oo ay mar uun rafiiqeen ama wada shaqeeyeen. Tusaalaha nool ee aynu ka xusi karnaa waa inuu ahaa qofkii u horreeyay ee qiyam ahaan ka badheedhay, inuu Qaranka Somaliland u heesay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanidiisa ka dib, weliba hees aad u qiimo badan oo waddaniyad ahayd. Heestaas waxa allifay erayadeeda, nin reer Riyaad ahaa oo la odhan jiray Abwaan Kayse Shukri; heestana waxa la odhan jiray "Somaliland dalkayga” laxankana waxa saaray Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Yare). Markay soo baxday heestaasi waxa ay kaalin weyn ka qaadatay hirgelintii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo markaas uun hindisihiisu socday. Heestuna waxa ay odhanaysay:
"Somaliland dadkayga
Somaliland dalkayga
Dadku waa midkii
Ingiriiska diray
Dalku waa mid qudha
Iyo ul iyo diir
Diintu waa islaam
cidi doorin karin
Dusha waxaa u sudhan
Calan aan dagayn
Dawadaydu waa nabad
Dermadaydu caano
Dugsigaygu waa dhaqan
Aqal laba daryaale ah
Waxaan doonayaa nolol
Aan cidi dillaalayn
Somaliland dadkayga
Somaliland dalkayga
Daandaansi iyo kibiriyo
Colaadaha dab uma shido
Dariskii wanaag jecel
Aan docadocaynayn
Dib wixii u dhigay iyo
Ka digtoon wixii gabay
Dan waxay u leeyihiin
Aan laga duduucayn
Dan-wadaagidaydiyo
Garanaaya kii degay
Dakharkii i gaadhiyo
Doogashada ka baydhqaba
Somaliland dadkayga
Somaliland dalkayga.”
Hibooyinkiisu
waa ay badnaayeen, waana qaybta ugu ballaadhan haddii la is yidhaa dul istaaga.
Busi wuxu ahaa qof hibooyin badan, kuwaas oo aynu ka xusi karno qaybtii u
weynayd ee noloshiisii uu ku qaatay oo ahayd qaybta Fanka Soomaalida. Wuxu ahaa
Fannaan heesa, Jilaa wax metala, Ciyaaryahan ciyaara ciyaar-dhaqameedda,
Mullaxan heesaha luuqda saara, Abwaan heeso allifay; wuxu aqoon u lahaa oo
kale, tumista qalabka muusigga ee ay ka midka yihiin Kamanka, Boongaha, iyo
Organka. Dhammaantoodna wuxu u lahaa hibo dhalasho oo ku lammaanayd ilaa
yaraantiisii iyo barasho hagar la'aaneed oo uu ku bixiyay.
Busi wuxu ahaa, markuu yaraa, ninkii
arkay riwaayad lagu dhigayey Beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo dadkii aynigiisa
ahaa loo diiday wixii aan haysan lacag ay riwaayadda ku daawadaan, ee u dhacay.
Muddo yar ka dibna riyaawaddii uu u dhacay dhigay! kana noqday jilaaga koowaad
[Actor]. Kollay waxa qasbaysay uun baa aynu odhan karnaa hibada nafeed ee
soosaarista u baahnayd.
Qofna waa mid hibada ku jirta la baqa, midna wuu dhiirradaa oo dunida isku sii dayska ah ee maskadiisa ku jirta ayuu dunida keenaa oo lagu noolaadaa. Busi Alle haw naxariistee wuxu ahaa dadka hibadoodii maskaxda ku haysan kari waayey ee aan la baqin, waxaana u caddayn ah, wuxu isaga oo 18jir ah ku biiray kooxdii fanka ee Soomaaliba ugu weynayd uguna ballaadhnayd ee Waaberi. Ma noqon 18 jir lagu lug go’ay ee wuxu noqday xubin shaqooyin badan oo kala duwan ka qabta Tiyaatarkii Hargeysa ee kooxdu ay fankooda ku bandhigi jirtay. Markiisii u horreysay wuxu kooxda ku galay inuu ciyaaro Ciyaar-dhaqameedka oo uu ku wanaagsanaa. Balse wuxu noqday xoghayihii kooxdii Waaberi, Lacag qabtihii kooxda marka ay Fan soo bandhigayaan, wuxu ahaa qofka keliya ee riwaayadaha iyo heesahaba u qora kooxda marna dadka xafidsiiya una qaybiya qof walba iyo doorka uu riwaayadda ku leeyahay, wuxu ahaa masuulka Istiidyowga kooxda, wuxuu ahaa fannaan kooxda ah oo buuxiya door walba oo looga baahdo. Wuxu ahaa ninka sidaas u faraha badan, ee aan dhan keliya laga istaagi karahayn haddii loo hollado in la sheego. Alle naxariistiisa ballaadhan haku gallado e.
Heestii u horreysay ee Busi qaaday waxa uu duubay oo idaacaddii Raadyow Hargeysa ay gashay 1979kii, heestaas oo midhaheeda uu hal-abuuray abwaan Cabdi Cali Weyd Ahun, laxankana uu saaray Cabdiqaadir Muuse Dhugay. Heesta magaceedu wuxu ahaa, "Allahayoow haween daa” erayadeediina waxa ka mid ah:
"Allahayoow haween daa
Dihashada xanuunka le’
Damqashada walaalnimo
Diirjileec islaamnimo
Digigixasho aadami
Iyo deeqda caashaqa
Inta noloshu derajiyo
Hadba dabaqad leedahay
Iyagaa daryeeloo
Dookhiyo kalgacalkana
Dawadooda weeyee
Allahayoow haween daa.”
Ninka heestaas laxanka u saaray Busi oo ahaa Cabdiqaadir Muuse Dhugay ayaa baray tumista Kamanka iyo garaacistiisa. Wuxu sheegay in heestii u horreysay ee uu laxanka saaray, isla jeerkaasna Kamanka ku tumay la odhan jiray "Hodan” erayadeedana uu lahaa abwaan Maxamed Cumar Huryo. Heestaas oo odhanaysay:
"Jacaylkan ila hadhee
Halbowlaha ku taagsadee
I hodadaamaynayaa
Intuu i hafsiiyay buu
Xiddigaha hirarkooda iyo
Hawada i muquuriyee
Hadmuu ii dhigi cagaha?
Halistuu damqay kama bogsado
Daa buu hurdadana i yidhoo
Waa heer Qaran ka i hayaa.
Nabsigu ma hantaaqi karo
Intaad heshid lama dacwidid!
Habaar wax ma yeeli karo!
Hawshiisa dad ila qabiyo
Haddii aan helo miday
Hadaaqaan dayn lahaa
Hammiga ka dawoobi lahaa
Hodaneey …. Hodaneey”
Dhanka kale, Busi wuxu ahaa qof hibo iyo xirfadba u lahaa garaacidda Teebka [Typewriter] iyo xawaaraha degdegga ah ee wax loogu qoro Teebka. Inta la ogyahay bahdiisiina uga marag noqotay waa inaanay jirin cid ku gaadhaysey Teebka iyo xawaaraha qoristaba Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Sidoo kale, wuxu aqoon u lahaa wadidda gaadiidka, oo darawal ay kooxdiisii iyo saaxiibadiiba uga danbeeyaan intii baabuur qaliilka ahayd ee ay haysteen wadiddooda ayuu ahaa. Waxaa middaas u saamaxaysay baa aynu odhan karnaa, inuu ahaa (Sida waraysi uu ku sheegay) qof marka wax la tuso ama loo sheego aan weligii loogu celin heerka uu fahan-wanaag iyo xifdiba uu hido u lahaa.
Waxqabadkiisiiwuu
tiro beelay, hadday tahay riwaayado, heeso, qasiidooyin, laxanno, iyo inuu
soosaaray arday beddesha oo sidiisii Kamanka tuma. Waana waxqabad iyo midho
lagu xusuusan doono inta la noolyahay. Maadaama oo aynaan kow iyo lababa odhan
karayn waxqabadkiisii, intaas baynu kaga gudbi doonnaa.
Ugu danbayn, dhanka kartida wuxu ahaa nin awood u leh inuu shaqooyin badan oo kala duwan qabto hal mar, hawgu cajiibsanaato xifdintiisiiye. Xusuus wanaaggiisii waxa ay Fannaaniintii saaxiibadii ahaa ku sheegeen in marka abwaaniintu ay illaabaan ama ay hore u garan waayaan ciddii ama halkii riwaayadda laga gelayay muuqaalladeeda, in uu isagu xasuusin jiray oo u sixi jiray. Hadda garo oo waa abwaaniintii hal-abuuray!
Qormadan oo xus iyo xusuusin ah, marna
barasho qofeed oo Maxamed Maxamuud Cige "Busi" wax ka odhanaysay
halkaas baa aynu ku afmeeri doonaa. Kollay waxa ay noqon doontaa ugu in aynu is
waydiinno 'Busi' haddana sidan u lafagurno innaga oo aan waxba ka taaban
noloshiisii ballaadhnayd ee qof walba uu tebi karo, taasoo caado inooga dhigtay
inaynu qofka xusno dhalasho ilaa dhimisho wixii uu soo qabtay. Anigu se waxa
aan doorbiday in uu sidaas guunka ah ugu qalin qaato qofkii doonaya inuu buug
ka qoro 'Busi' Alle naxariistiisa janno hawgu deeqo e'.
Guntii iyo gebagebadii, waxa maanso kooban oo uu isna ku xusayo sannadkaas (1 July 2020 ilaa 1 July 2021) uu mootanyahay marxuunku ila soo wadaagay Fannaan Maxamed Saleebaan 'Tuke' taas oo ugu ducaynayo. Maansadu waxa ay odhanaysaa:
Allahayoow rijaalkii galbaday ee laabtu naga raacday
Rabbiyoow xusuus raagtay iyo raadkuu nagu reebay
Allahayoow rafaad iyo ka qari raran cadaabeedka
Allahayoow Raxmaan baad tahee, raalli ka ahoow
Rugtii muuminiintiyo jannada, aan cidi ka rooraynin
Allahayoow halkii rays leh iyo raaska lagu waaro
Allahayoow Rixiim baad tahee, gee jannada Rooda.
Dhammaad
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!