Maxaa Uu Quraanku Ka Yidhi Dabeecadaha Bani Aadamka(Dadka).

0
Saturday July 03, 2021 - 11:22:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Uu Quraanku Ka Yidhi Dabeecadaha Bani Aadamka(Dadka).

    Dhinaca kale naftu way necebtahay inay tijaabiso wanaaga .tusaale hadii lagu dhaho hantida ayaa ku badata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca kale naftu way necebtahay inay tijaabiso wanaaga .tusaale hadii lagu dhaho hantida ayaa ku badata
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Qoraalkan kooban waxuu kaaga warami doonaa waxa uu quraanku ku sifeeyay dabeecadaha bani aadamka iyo dhaqankooda.
Runtii ,inagoo inaguba ka makhraatiya inaynu nahay makhluuq madax adag ayaa hadana waxa uu ILAHAY Leeyahay bani aadamku waa mid gaalnimo badan .
Sidoo kale sifooyinka quraanku ina siiyay wax ka mida ; inaynu nahay dad inkira jiritaanka Allahii abuuray ,inaynu nahay dad jecel xumaanta inay tijaabiyaan lkn aan jeclayn inay tijaabiyaan wanaaga .
Tusaale aan kaa siiyo siday naftu u jeceshahy inay tijaabiso xumaanta.
Qof ayaa looga digaya cabida sigaarka hayeeshee waxa kaliya umuuqata una fiican inuu sii wato cabidiisa walaw khatar ba ha ugashe naftiisuye .
Tusaale kale qof ayaa la odhanaya iskada dhagaysiga heesaha lkn naftiisu waxay ku qancinaysa bal inuu yar tijaabiyo waxan loo diidaya siduu yahay markaas ayuu ku fogaanaya sidaana ku noqonaya mid qalbi duugay leh.
Dhinaca kale naftu way necebtahay inay tijaabiso wanaaga .tusaale hadii lagu dhaho hantida ayaa ku badata ajarna waa lagu helaa in sadaqada la bixiyo way yar tahay inta is odhanaysa bal tijaabi oo sadaqo farabadan bixi.
Waayo naftiisa ayaa ku riixaysa inay wanaaga tijaabintiisa diido.
Sidoo kale quraanku waxa uu ku sheegay in bani aadamka badankiisu gaalo yihiin halka inta yari muslim yihiin maantana Waad arkaysaa Islamku kaliya waa 25% halka 75% gaalo iyo kuwo aan rumaysanany ILAHAY ay yihiin waana sababta Alle badanaka quraanka uugu xusay aayadaha ah
ولكن أكثر الناس لا يعقلون
ولكن أكثر الناس لا يفهمون
ولكن أكثر الناس لا يؤمنون
وكثرهم كافرون
وكثرهم فاسقون
Dhaman ayadahan oo dhan waxay ina tusinayaan sida badanka bani aadamku uu yahay mid aan raacsanayn ILAHAY lkn raacsan Ibliis waayo Alle ayaa yidhi Ibliis ayaa malihiisii ka dhabeeyay kaas oo ahaa in bani aadamka uu u af duuubi doono dhinaca iyo jahanama.
Sidoo kale quraanku bani aadamka waxa uu ku sheegay makhluuq la abuuro inay yihiin kuwii sida ugu fiican loo abuuray inay yihiin wax kastana ILAHAY udiyariyay lkn Ilahay waxaynu ugu abaal gudno oo mahad naq ah Iska daaayoo jiritaankiisii ayay maanta dad badan OO Islaam ihi shaki galinayaaan.
Sidoo kale quraanku bani aadamka waxa uu ku sheegay inay yihiin kuwo ilowshiyo badan OO markiiba iloowa dabeecadanina waa mid faa'ido iyo khasaare labadaba leh
Khasaareheeda waxa ka mida in bani aadamkii markiiba si Dhib yar ku iloowo nimcooyinka ILAHAY iyo jiritaankiisaba kana raaco shahwad iyo aduunyo .
Faa'ido ahan waxay leedahay hadii maanta qof inaga mid Cid uuu aad ujecelyahay uu ka dhinto laba iyo sadexda cisho ee uhoraysa wuu murugaysnaanayaa lkn todobaadyo ka Dib waxad arkaysa kiiyoo kusoo labtay sidii uu markii hore ahaa OO farxadiisii Iska wata Tanina waaba sababta aynu wali unoolnahay una faraxsanay.
Hadaba akhriste Cid kale maaha bani aadamka la shegaya lkn waa aniga iyo adiga ee maxaa inala gudboon si aynaan uhoogin maalin la hortagayo Alle OO cadhaysan una cadhaysan dadkii jiritaankiisa inkiray.
Nimcooyinkiisana Iska indho tiray.
وصدق الله في قوله: ..... وَكَانَ ٱلْإِنسَٰنُ كَفُورًا


 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...