Akhriso Mid Ka Mid Ah Ficilada Ugu Mudan Ee Uu Xaaji Cabdiwaraabe Sameeyey
Geeljirennimo ayuu 25 sano jir ku gaadhay, muddadaas kaddib ayaa beeshiisii shirtay oo ku tashatay, in Xuseen oo Cabdi Waraabe aabbihii ahaa loo aaro, ee aan laga samrin. Waxayna ku taliyeen in inamadiisii oo Cabdi Waraabe ka mid yahay maaddaama ay gaashaanqaad yihiin, aabbahood u aaraan, oo ninka diley nin ay ilmaadeer yihiin soo dilaan.
Kolkaas, ayaa afar nin oo Cabdi waraabe ka mid yahay, la diray oo qoryo loo dhiibay, si ay ugu soo aaraan. Waxay afartoodii socdaanba waxa ay gaadheen ninka ay u socdeen, ee ay rabeen inay soo dilaan.
Goor casar gaabad ah ayay ku soo aadeen gurigiisii. Ninkii ayay is waraysteen oo waa isu sheegeen cidda ay yihiin waanu wada gartay mid walba ina ayadiisii, kolkii uu weydiiyey waxa ay u socdeenna waxay u sheegeen inay ay ‘guurdoon’ ahaayeen.
Sidii marti xilli danbe socota lagu yaqaannay, ninkii waa soo dhaweeyey oo damcay inuu marti sooro, oo neef u qalo. Iyagoo duleedka ugu terrisaya hilibkii neefka loo qalay, ayaa roob soo curtay oo da’ay.
Dabadeedna Guri laba daryaale ah, sida Cabdi Waraabe sheegay ayaa loo banneeyey oo la fadhiisiyay si ay roobka uga jirsadaan ama uga galaan. Gurigii ayay galeen, iyagoo qoryahana xabbadu ugu jirto, oo ninkan marti sooraya ay rabaan in noloshiisa ku soo gebagebeeyaan, Iyana ceeb ka farxashaan sidaana aabbahood ugu aaraan.
Waa aqal miyi ee, aqalkii ay roobka ka galeen ayaa darrooray oo biyihii soo da’yey. Markaasuu ninkii martisooray weylaha saantooda oo la isku toltolay ‘hargawaalli’ ayaa loo yaqaane u keenay, si ay biyaha kusoo darroooraya isaga dhigaan, oo waa martiye dharkoodana aanay darroortu wasakhayn.
Alle ha u naxariistee Xaaji Cabdiwaraabe oo waraysi uu hore u siiyay Horn Cable arrintan kaga sheekeeyay ayaa yidhi "Aqalkii ayaanu roobkii ka galnay qoryahana xabadda noogu jirta, aqalku inkasta oo uu weyn yahay darroorinta wuu soo dayn jiray, markaas ayuu halkaa ka soo qaaday Hargawaalli waxa laga soo iibsan jiray Galbeed oo waa saanta Waylaha oo la isku toltolay, Hargawaallidii ayuu dusha ka saaray saddexdii nin ee kale anigana masalle cusub oo uu leeyahay ayuu dusha iga saaray oo uu yidhi ‘darroorintu yaanay maryaha idinkaga dhicin’ markii roobkii in aad ah na hayay ayaa baraagi ma jirto e xoolihii loo sii daayay biyaha; markii uu geeli biyaha u sii daayay ee haantii dumarku la cararay(si ay u dhaamiyaan) ee adhigii la sii daayay ayaa la yidhi dee waa goortii aynu la eeganaynay, markii aanu soo baxnay ayaan idhi waar qoryaha xabadda ka bixiya waar ma ninka darroorin inoo quudhi waayay baynu xabad u quudhna? Mise haddii aan imika dilo aabbahay waan helaya oo wuu imanaya, waar ninkan isaga ah ayaan aabbe ka dhiganayaaye qoryaha xabadda ka bixiya, ninkii noogu weyna ayaa yidhi ‘anigu nacasnimadaada sidaas waan kaa filayay’ kii kale ayaa yidhi ‘wallee isaga inagaga jooga (Talada hagaagsan) kuwa ina soo dirayna rag ma ahayn inaguna waxba ma nihin ee ninkani isaga taladii inagaga jooga, qoryihii baanu xabaddii ka bixinay, geelii baanu la waraabinay oo la xaraynay.”
Nimankii Waxay talo rogrogaanba tii Cabdi Waraabe ayay isla qaateen, halkii ayay ninkii ku cafiyeen oo geelii iyo xoolihii la dareeriyeen oo weliba la waraabiyeen.
Halkaas ayay sooryadii ku cuneen kuna seexdeen subaxiina geela looga soo caano lisay, kolkaas kaddib ayaa Cabdi Waraabe ninkii u yeedhay oo ku yidhi: ” awoow waxaannu u soconnay markii hore inaannu ku dilo, xabbad baa qoryahaa noogu jirtey, kolkaad se darroorintii noo quudhi weydey ayaan annana xabbadii kuu quudhi weynay, imikana waxaan talo ku gaadhay inaan kaa guursadaa oo aad inan isiiso, oo aad aabbe ii noqoto”. wuu argagaxay oo wuu naxay oo madaxa ayuu ii salaaxay’ ayuu yidhi Cabdi Waraabe, oo ka sheekaynayay.
Cabdi Waraabe, weliba wuxuu intaa ugu diray haddaad baho kale leedahay, dooni maayo, inanta gurigaa aannu gallay hooyadeed deggan tahay ayaan rabaa. Isna waan ku siiyey ayuu ugu hal celiyey, oo inan kolkaa laba jir ahayd ayuu yidhi illaa qaddar midkiin haleelo mooyee aday kuu joogtaa, sidaas beeshii ugu wargee.
Way noqdeen oo kolkii beeshii gaadheenna, sida Cabdi Waraabe sheegay raggii direy waa u duceeyeen oo taladii wanaagsanayd adaa lagu haleelsiiyey ayay ku yidhaahdeen, mar baynu xilligaa dhagar geli gaadhnay ayay ku cataabeen.
Inantii 17 sano ayay kala maqnaayeen, si ugu soo korto, muddadaas kaddib ayuu raadsaday oo ay is guursadeen, Faadumo 14 carruur ah ayay Cabdi waraabe u dhashay.