U jeedada xijaabka ee la khalad fahmay:

0
Saturday July 03, 2021 - 11:18:05 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U jeedada xijaabka ee la khalad fahmay:

    Hadaba waxa is waydiin mudan diinteenu maxay xijaabka ka qabtaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba waxa is waydiin mudan diinteenu maxay xijaabka ka qabtaa?


Sidaynu la socono waxa 50-kii sanno ee u dambeeyay ay culimadu aduunka iyo kuwa soomaaliyeedba Haweenka islaamka ah ku baraarujinayeen xijaabka iyaga oo gaadhsiiyay heer ay dhahaan xijaabku waa faral ka mid ah diinta oo aan marnaba laga tagi karin gabadhii ka tagtana ay ku dambaabayso.

Mabda'an ayaa waxa uu dunida islaamka qabsaday dabayaaqadii qarnigii 20-aad, oo mudadii ka horaysay dumarku iyaga oon wax xijaab ah sidan ayay suuqa mari jireen, xitaa jaamacada caanka ah ee Azhar dumarku waxay ku tagi jireen bilaa xijaab.

Hadaba waxa is waydiin mudan diinteenu maxay xijaabka ka qabtaa?

Si aynu su'aashan uga jawaabno waxaynu ka eegaynaa saddex dhinac:

1: Quraanka

2: Sunnada

3: Asxaabta iyo culimada islaamka

Quraanka:

Quraanku waa isha koobaad ee diinta islaamka waana marjica ugu horeeya ee laysula laabto marka mas'alad la raadinayo inay xalaal tahay iyo in kale.

Hadaba kalmada "Xijaab" quraanka 7 jeer ayay ku xusantahay mana jirto hal mar oo loola jeeday ama micnaheedu yahay dhar ama maro madaxa lagu qarsado, waana kuwan dhamaan aayadahaasi:

1) "وَبَيْنَهُمَا حِجَابٌ وَعَلَى الْأَعْرَافِ رِجَالٌ يَعْرِفُونَ كُلًّا بِسِيمَاهُمْ وَنَادَوْا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَن سَلَامٌ عَلَيْكُمْ لَمْ يَدْخُلُوهَا وَهُمْ يَطْمَعُونَ" (سورة الأعراف 46).

Kalmada xijaab ee aayadan ku xusan culimadu waxay ku fasireen Suur ama Gidaar weyn oo kala badha dadka ehlu janaha iyo dadka ehlu naarka ah.

2)"وَقَالُوا قُلُوبُنَا فِي أَكِنَّةٍ مِّمَّا تَدْعُونَا إِلَيْهِ وَفِي آذَانِنَا وَقْرٌ وَمِن بَيْنِنَا وَبَيْنِكَ حِجَابٌ فَاعْمَلْ إِنَّنَا عَامِلُونَ" (سورة فصلت 5.

Kalmada xijaab ee aayadan ku xusan culimadu waxay ku fasireen xaajis ama farqi u dhaxeeya afkaarta iyo caqaa'ida.

3)"وَإِذَا سَأَلْتُمُوهُنَّ مَتَاعًا فَاسْأَلُوهُنَّ مِن وَرَاءِ حِجَابٍ" (سورة الأحزاب 53).

Markana u jeedku waa gidaar ama daah.

4)"فَقَالَ إِنِّي أَحْبَبْتُ حُبَّ الْخَيْرِ عَن ذِكْرِ رَبِّي حَتَّىٰ تَوَارَتْ بِالْحِجَابِ" (سورة ص 32).

Micnaha: aragayga ka miriqday ama aan arki waayay, Nabi Sulaymaan (C.S) wuxuu ka hadlayay Fardaha.

5)"فَاتَّخَذَتْ مِن دُونِهِمْ حِجَابًا فَأَرْسَلْنَا إِلَيْهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرًا سَوِيًّا" (سورة مريم 17).

Micnaha: maryami way ka fogaatay ehelkeedii si aanay u arag marka ay Nabi Ciise (C.S) Foolanayso.

6)"وَإِذَا قَرَأْتَ الْقُرْآنَ جَعَلْنَا بَيْنَكَ وَبَيْنَ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ حِجَابًا مَّسْتُورًا" (سورة الإسراء 45).

Micnaha: Xaajis ama daah imaanka ah kaasoo u diidaya inay rumeeyaan Quraanka.

7)"ومَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُكَلِّمَهُ اللَّهُ إِلَّا وَحْيًا أَوْ مِن وَرَاءِ حِجَابٍ أَوْ يُرْسِلَ رَسُولًا فَيُوحِيَ بِإِذْنِهِ مَا يَشَاءُ إِنَّهُ عَلِيٌّ حَكِيمٌ" (سورة الشورى 51).

Micnaha: Illaahay (S.W.T) bani aadamka wuu u waxyoodaa iyakoon arkin, markaa micnaheedu waa araga.

Waxa cad in dhamaan 7 aayadood aanay midna si cad u sheegin xijaabka oo ah maradan dumarku madaxa ku qarsadaan.

Hadaba waxa jirta aayad kale oo aan kalmada xijaab ku jirin laakiin ay culimadu adeegsadaan si ay u sharciyeeyaan in xijaabku waajib yahay, aayadaasina waa sidan:

• "يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُلْ لأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاءِ الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِنْ جَلابِيبِهِنَّ ذَلِكَ أَدْنَى أَنْ يُعْرَفْنَ فَلا يُؤْذَيْنَ" (سورة الأحزاب 59).

Aayadan sidaad wada aragtaan waxay xidhashada jilbaabka shardi uga dhigtay si aan loo garan oo loo dhibaatayn Dumarka, markaa hadii aanay cabsidaasi jirin jilbaabkuna meesha wuu ka baxayaa.

Sunnada:

Hal xadiis baa jira oo si cad u sheegay in dumarku xijaabka xidhaan waana sidan:

• "عن الْوَلِيدُ عَنْ سَعِيدِ بْنِ بَشِيرٍ عَنْ قَتَادَةَ عَنْ خَالِد بْنِ دُرَيْكٍ عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا أَنَّ أَسْمَاءَ بِنْتَ أَبِي بَكْرٍ دَخَلَتْ عَلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَعَلَيْهَا ثِيَابٌ رِقَاقٌ فَأَعْرَضَ عَنْهَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَقَالَ: "يَا أَسْمَاءُ إِنَّ الْمَرْأَةَ إِذَا بَلَغَتْ الْمَحِيضَ لَمْ تَصْلُحْ أَنْ يُرَى مِنْهَا إِلا هَذَا وَهَذَا، وَأَشَارَ إِلَى وَجْهِهِ وَكَفَّيْهِ" (رواه أبو داوود).

Xadiiskani waa mursal oo Khaalid binu Durayk muusoo gaadhin caaisha (R.C), sidoo kale xadiiska sanadkiisa dacni baa ku jira oo rag badan oo aan laysku halayn karin baa jira been lagu tuhmayo darteed.

Sidaynu ognahay xadiiska mursalka ahi waa Daciif lamana daliishan karo.

Asxaabta iyo Culimada:

Waxa lasoo weriyaa in Saxaabigii waynaa ee cumar bin khadaab (R.C) uu dumarka adoonta ah ku garaaci jiray hadii uu arko iyagoo xijaab sita, uuna odhan jiray ma waxaad ku dayanaysaan ama aad shabahaysaan gabdhaha xorta ah.

Sidoo kale waxa la sheegaa in Dumarka adoonta ah ee Cumar u shaqayn jiray aanay madaxa qarsan jirin iyo laabtaba.

Adoonta la kala iibsanayo xilligii Nabiga ( S.C.W) wax maro ah ma sidan jirin oo mudh iyo gacan bay ahaan jireen.

Culimadu waysku khilaafeen arintan xijaabka, oo qaarbaa waajib ka dhigay halka kuwa kale ay diideen, laakiin halkan kuma qorayo waayo maqaalka ayaa dheeraanaya.

-Ujeedada dhabta ah ee xijaabka-

U jeedada dhabta ah ee xijaabka waa in lakala garto gabadha xorta ah iyo adoonta.

Waayo adoontu iyakoo qaawan bay wadooyinka magaalada madiina istaagi jireen waliba lagu dhibaatayn jiray, markaa hadii gabadha xorta ahi madaxa banayso ama laabta in adoon la moodo oo la dhibaateeyo ayaa halis ah, sidaa darteed bay madaxa u qarsadeen.

Laakiin maadaama maanta aanay jirin is adoonsi iyo adoonba dee qasab maaha markaa in gabadhu xijaabato.

-Maxaa laga faaiday xijaabka-

Inta badan culimadu waxay ku celceliyaan in xijaabku uu yahay xalka kaliya ee lagaga hortagi karo tacadiyada dumarka loo geesto oo uu meeshana ka saarayo kufsiga iyo wixii la halmaala.

Hadaba sidaa ay sheegeen arintu ma noqotay? WAA MAYA!!!

Hay'ada xuquuqul insaanka aduunku waxay sheegtay in Dalalka ugu badan oo dumarka lagu kufsado ama wadada lagu dhibaateeyo ay kaalinta kowaad ku jirto Afghanistan halka ay masar ku jirto kaalinta labaad.

Fg: Afghanistan iyo Masar waa dalalka ay dastuurka ugu qorantahay in dumarku xijaabka xidhaan.

Bal is waafaji Dumarku waa inay xijaabka xidhaan oo waa fitno iyo Dumarka adoonta ahi ma xidhan karaan.

Adoontu miyaanay iyaguba fitno ahayn, miyaanay sida dumarka kale u abuurnayn, maxaa qaldan?

Lasoco qeybta kale

:Caesar:


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...