Murashax utaagnaa Madaxweynaha Soomaaliya oo geeriyooday (Akhriso Magaciisa)

0
Saturday July 03, 2021 - 10:40:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax utaagnaa Madaxweynaha Soomaaliya oo geeriyooday (Akhriso Magaciisa)

    Marxuumka oo maalmhan xanuunsanaa ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marxuumka oo maalmhan xanuunsanaa ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho

General Subxaanyo oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho - Caasimada Online


Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabduqaadir Cali Mire Diiriye oo loo yaqaanay (General Subxaanyo) kana mid ahaa saraakiisha ciidanka qalabka sida, gaar ahaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

 

Marxuumka oo maalmhan xanuunsanaa ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana geerida ku timid ka tacsiyeeyey madax kala duwan oo Soomaaliyeed.

 

General Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) Waxa uu ku dhashay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan 1952dii, Waxa uu dugsiga dhexe ku dhamaystay Beledweyne, Waxa uu ka baxay, dugsiga sare ee Sheekh Xassan Barsame ee Muqdisho oo markaas lagu dhiganayay luuqadda Talyaaniga, 1972 waxa uu galay kulyida millateriga General Daa’uud millatery Academy oo ku taallay magaalada Kismaayo, kadibna wuxuu aaday 1974 dalki Midowga Soofiyeeti oo uu kasoo dhigtay kuliyadda milatiriga ee linin ee magaalada Moskow oo lagu barto culuunta siyaasadda iyo arimaha millateriga, 1977 wuxuu ku soo laabtay dalka waana markii uu dhamaaday xiriirkii uu dalku la lahaa dalkii Midowga Sofiyeti, wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii 77kii waxa uuna ku muteystay billad geesi qalin ah.

 

Dhamaadkii dagaalka 77kii waxaa loo diray dalka Germany oo uu ku maqnaa 78kii ilaa 84kii oo uu soo qaatay shahaadada Mechanical Engineering, jaamacadda Rostok ee dalka Germany. 1985 ayuu dalka kusoo noqday, waxa uuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciddanka Asluubta, waxa uu madax Ka noqday hogaanka siyaasada ee ciidanka asluubta iyo kan gaadiidka iyo isgaarsiinta. Kadib burburki Dalka, jananku waxa uu la shaqeeyay hay’ado samafal, sidoo kale waxa uu madax ka noqday gudigii Culaysaarka(Pressure Group) oo Shaqadoodu ahayd dhaxdhaxaadinta hogaamiyayaashii kooxaha koonfurta soomaaliya.

 

Waxa uu la taliye u ahaa dhamaan dowladihii ku mel gaarka ahaa ee dalka soo maray, General Subxaanyo waxa uu si wanaagsan ugu hadli jiray luuqadaha carabiga, jarmalka, ruushka, ingiriiska, talyaaniga. Wax la taaban karo ayuu ka qabtay waxbarashada iyo samafalka oo waxaa lagu xasuustaa in manta ay daafaha caalamka kala joogaan dad uu koritaanka aqoontooda kaalin mug leh ka gaystay, Jananku waxa uu dad badan u diray wax barasho dibadda ah kuwaas oo manta saamayn dhan kasta ah ku leh dalka iyo dibaddiisa.


Loading...
Loading...