Wasiir Hore Oo Noqday Adhiile Oo Sheegay In Lacagta Uu Ka Helay Dhoofinta Xoolaha Aanu Siyaasadda Ka Helin 30 Sanno Ee Uu Ku Jiray

0
Saturday July 03, 2021 - 10:21:10 in News by
  • Visits: 2450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Hore Oo Noqday Adhiile Oo Sheegay In Lacagta Uu Ka Helay Dhoofinta Xoolaha Aanu Siyaasadda Ka Helin 30 Sanno Ee Uu Ku Jiray

    Wasiir Hore Oo Noqday Adhiile Oo Sheegay In Lacagta Uu Ka Helay Dhoofinta Xoolaha Aanu Siyaasadda Ka Helin 30 Sanno Ee Uu Ku Jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Hore Oo Noqday Adhiile Oo Sheegay In Lacagta Uu Ka Helay Dhoofinta Xoolaha Aanu Siyaasadda Ka Helin 30 Sanno Ee Uu Ku Jiray

Hargeysa(HWN):-Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), oo Xukuumaddii Siillaanyo soo noqday Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Somaliland, ayaa sheegay inuu yar nastay Siyaasaddii oo uu u baydhay dhinaca ka ganacsiga xoolaha oo uu wakhtigan u dhoofiyo dalalka Carabta.
May be an image of 1 person



Qabo oo u warramayey Bulsho Tv, ayaa sheegay in aanu 30-kii sanno ee uu ku jiray Siyaasadda aanu ka helin lacagta uu ka helay dhoofinta Xoolaha saddex bilood oo keliya, waxaanu yidhi "Waxaanan 30 sanno kaga helin Siyaasadda, ayaan ganacsiga kaga helay saddex bilood. Siyaasaddu adduun malaha magac ayey leedahay. Imika lixdan jirkii ayaan ku dhowahay, wixii aanu ku hawl gabaynay ayaanu halkan ka baadh baadhaynaa, fasax-na waan ka yar galay siyaasadda. Markaa dhalinyarada waxa aan tusayaa in ay Siyaasaddu leedahay hawl gab. Haddii aynu sidii odayaashii hore idhaahdo siyaasadda waynu dul taagnaanaynaa bilow illaa dhamaad, waa laga yara wanaagsan yahay.”

Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo), waxa uu sheegay in Xoolaha ay u dhoofiyaan Dalal ay ka mid yihiin Sucuudiga, Cumaan iyo Kuwayt, waxaanu xusay in Sucuudigu xoolo badan qaato, balse aanay joogto ahayn, marka la doonana la soo celin karo, isaga oo ka dhawaajiyey in markab xoolaha gaadhaya 17 kun oo dhawaan la soo celiyey inuu ku lahaa 2000 oo neef.

Maxamed Aadan Qabo oo ka hadlayey Siyaasiyiintii ay soo wada shaqeeyeen iyo Adhiileyaasha ay imika wada shaqeeyaan ay aad u kala fog yihiin.
FG. sawirku maaha mid cusub, waa mid hore. Waa maalintii uu sheegay In Kulmiye ka diiday lacagtii Murrashaxiinta lagu dhisay Shirweynihii Kulmiye.

Loading...
Loading...