Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Sababta Ciidamada Milatarigu Uga Soo Baxeen Gobolka Tigrey.

0
Saturday July 03, 2021 - 10:07:06 in News by
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Sababta Ciidamada Milatarigu Uga Soo Baxeen Gobolka Tigrey.

    Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Sababta Ciidamada Milatarigu Uga Soo Baxeen Gobolka Tigrey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Sababta Ciidamada Milatarigu Uga Soo Baxeen Gobolka Tigrey.


Addis Ababa(HWN):-Dawlada federaalka ah ee Itoobiya ayaa ka hadashay sababaha keenay inay xabad joojin ka hirgeliso gobolka Tigrey oo ay hawl galo milatari ka waday.




Wasiirul dawlaha wasaarada arimaha dibada Itoobiya Redwan Hussein iyo xidhiidhiyaha qaybta dhismaha ciidanka milatariga Itoobiya General Bacha Debele ayaa faah faahin ka bixiyey xabad joojinta dhinacooda oo kaliya ka hirgeshay ee la duldhigay gobolka Tigrey.


Wasiirul dawle Redwan Hussein ayaa sheegay in sababta ay dawladu u hirgelisay xabad joojinta gobolka Tigrey ay tahay iyada oo la tixgelinayo codsiyo ay ka mid yihiin qaar ka imanaya bulshada gobolkaasi waxaanu yidhi "Xabad joojinta waxaanu u tixgelinay hawl galadii fulinta sharciga, badbaadada qaranimada, tabashooyin ka imanaya shacabka Tigrey iyo dalabyada beesha caalamka”


Danjire Redwan oo arintaas ka hadlaya ayaa sheegay in dawladu ay gaadhay ujeedooyinkii, inkasta oo dacaayaddeedii ay sii waday, hadana kooxda TPLF hada maaha hanjabaad jirta oo ku wajahan wanaaga qaranka ""Intii hawlgalku socday ayuu yidhi, dawladu waxay ujeedkeedu ahayd in laga takhaluso kooxda militariga ah ee TPLF, dib uqabashada ama burburinta rasaasta la dhacay, ciidamada Itoobiyana laga xoreeyo TPLF, dambiilayaashana lala xisaabtamo ciqaabtooda.


Dhinaca kale xidhiidhiyaha ciidanka milatariga Itoobiya Bacha Debele ayaa sheegay in sababta ciidanka looga daad gureeyey xarunta gobolka tigrey ee Mekelle ay tahay in la yareeyo culayska ay dalka ku hayso xaalada ka taagan gobolkaasi.


Loading...
Loading...