Dowlada oo dheereysay muddada ruqsad bixinta shidaalka xilli ay dib u gurteen shirkadaha

0
Saturday July 03, 2021 - 09:54:19 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada oo dheereysay muddada ruqsad bixinta shidaalka xilli ay dib u gurteen shirkadaha

    Shirka oo ay soo qaban qaabisay shirkadda Capital Energy & Power ayaa waxaa goobjoog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka oo ay soo qaban qaabisay shirkadda Capital Energy & Power ayaa waxaa goobjoog





Wasiirka Wasaaradda Bartoolka & Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa Caasimadda dalka Suudanka koonfureed ee Jubba waxaa uu uga qeyb galay shir looga hadlayay horumarinta Shidaalka & Tamarta.

 

Shirka oo ay soo qaban qaabisay shirkadda Capital Energy & Power ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Wasiirada Batroolka ee dalalka, Suudaanta Koonfureed, Kenya, Soomaaliya iyo dalal kale, kuwaas oo is dkaafsaday fikrad kala duwan.

 

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray horumarinta tamarta ee dhamaan dalalka Afrika si ay uga baxaan saboolnimada, waxaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka sanadkaan bixin doona Shatiga shidaal barista.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Bartoolka & Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya CabdirashiidMaxamed Axmed ayaa ka qeyb galay kulan hab maamuus looga sameeynayay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir.


Loading...
Loading...