S H I N N I D A W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

0
Saturday July 03, 2021 - 09:45:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    S H I N N I D A W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

    "Siduu Alle qur'aanka ku sheegay shinnidu waxay kamid tahay cayayaanada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siduu Alle qur'aanka ku sheegay shinnidu waxay kamid tahay cayayaanada"

Shinidu waxay ka mid tahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda bilaa lafdhabarleyda ah (Orthropoda) gaar ahaan bahweynta Cayayaanka (Insect). Waxay ku jirtaa qoyska hoose ee qudhaanjada (Apoctira family) kuwaas oo leh laba baal iyo lix lugood. Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Anthophila), Asal ahaan waxay kasoo jeedaa qaaradda Aasiya gaar ahaan koonfurta bari aasiya. Cilmiga barashada shinnida waxaa afka qalaad looyiqaannaa (Melittology). Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Bee), Carabidana (نحلة), Afka Soomaaligana Shinni.



Siduu Alle qur'aanka ku sheegay shinnidu waxay kamid tahay cayayaanada uu alle sida gaarka ah u xusay, taas oo uu alle u sakhiray


in ay hoy ka dhigato buuraha, dhirta iyo waxay dadku dhistaan. Cimrigeedu waxa uu gaadha 14 ilaa 28 cisho, inkastoo boqorada cimrigeedu uu gaadho 3 ilaa 5 sanno, dhererkeeduna 1.3 ilaa 2 sentimitir. Shinnida jidhkeeda waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood Madax, uurku jir iyo qayb danbe, Saacadii waxay jari kartaa qiyaas ahaan 28 kiiloomitir, iyadoo aan ka lumin jidkii ay hore usoo martay. Shinnidu waxay isku difaacdaa mici dhuuban taas oo ay ku jebiso ciday dareento inay cadaw ku tahay, micidaas oo looyiqaano (sting). Shinnidu waxay wax quudataa maalintii (Diurnal), sidoo kale waxay kamid tahay xayawaannada leh dhiigga qabow (Cold blooded).


Shinnidu guud ahaan waxay ka kooban tahay saddex qaybood kuwaas oo kala ah: boqorad (Queen), Shinni dheddig (Worker) iyo shinni lab ama qadhle (Drones), mid kastaa waxay leedahay shaqo u gooni ah, iyo hawl qabad guud oo ay wada qabtaan. 1- Boqoradda: waa hogaamiyaha koox kasta oo shinni ah oo meel degen, waxayna maalintii dhashaa 1,500 ilaa 3,000 oo beed, boqoradu waa dheddig oo shinnida labka boqor lagama dhigo. 2- Shaqaale: waa shinni dheddig taas oo ah ta qabata shaqada ugu badan ee boqortooyada. 3- Shinni lab: waa shinni aan ka badnayn dhawr boqol oo xabo, kuwaas oo shaqadooda ugu weyni tahay riminta boqorada, midka boqorada saartaana wuu dhintaa.


Shinnidu waxay ka mid tahay cayayaanada uu alle qur'aanka ku sheegay inuu u waxyooday, taas oo ku shaqaysa waxyul ilhaam. Nebiguna SCW waxaa laga soo weriyay xadiis ka hadlaayay saddex shay oo uu caafimaad ku jiro, waxaana kamid ahaa malabka. Qur'aanka alle laba shay ayuu ku sheegay inay dawo yihiin midi waa malabka, midka kalana waa qur'aanka. Shinnidu malabka ay samayso jiilaalkii dib ayay u cuntaa si ay ugu gaadho gu'ga, sidoo kale shinnidu way neceb tahay in ay degto meelaha aan jawi ahaan deganayn. Shinnida waxaa loo dhaqdaa laba hab guud ahaan, ugu danbayntii qaar ka mid ah culimada islaamku waxay qabaan in shinnida malabkeeda sekada laga bixinaayo, tusaale ahaan boqolkiiba toban.


Mayeedhaan Magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...